Nin looga shakisan yahay kiiskii dilka & kufsiga Xamdi oo la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in degaanada Galmudug lagu qabtey wiil dhalinyaro ah oo la tuhmayo inuu ku lug lahaa kufsigii iyo dilkii arxan darrada ahaa ee Jimcihii lasoo dhaafay Muqdisho loogu geystay Xamdi Maxamed Faarax, oo 19 jir ahayd.

"Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday Xamar falka ka dib," ayay tiri Zakiya Xuseen, taliye ku xigeenka Booliska.

Maalintii shalay, booliska ayaa shaaciyay in meel wanaagsan uu u marayo baaritaanka kiiskan, islamarkaana ay gacanta ku hayaan 11 qof, sidoo kalena ay ku raadjoogaan kuwa kale oo isku dayaya inay cadaaladda ka baxsadaan.

Xamdi oo sanadkan gashay Imtixaanka shaahida dugsiga sare ee dowladda, ayaa laga soo tuurey dhismo dabaq ah oo lix biyaano ka koobaan, kaasoo boolisku ay sheegeen inuu yahay hotel lagu magacaabo Marwo oo degmada Waaberi ku yaalla.

Falkan ayaa dhacay habeenkii Jimcaha, waxaana meydka gabadha la helay subixii Sabtida, iyadoo la dhigay Isbitaalka Madiina, oo markii uu baaray xaqiijiyay in gabadha la kufsaday kadibna dhismaha laga soo tuuray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM