NISA oo "handadaad ku haysa" xubnaha guddiga doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, madaxii amniga internet-ka ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa cod dheer ugu baaqay xukuumada xilgaarsiinta in ay xil iska saarto xalinta cabashadda waalidiinta.

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayuu cod dheer ugu baaqay in uu guddi madax-banaan u saaro baaritaanka kiiskan si weyn u soo shaac-baxay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

"Waxaan codkayga ku biirinayaa Hooyo Qaali Guhaad. Waxaan ugu baaqayaa Raysalwasaare Rooble in uu xil iska saaro cabashada waalidka ay gabadhu ka maqan tahay," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Baaritaanka kiiskan waa in guddi madaxbanaan loo saaro. Sida ay waalidiinta sheegeen iyo xog aan ilo kale ka helayno, Ikraan waxaa ugu war danbaysay gacanta Hay’adda Nabadsugida".

Ikraan oo waalidkeedu ugu war dambeysay 26-kii June ayaa sidoo kale waxay horey ula shaqeysay guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho, Injineer Yariisow oo Al-Shabaab qarax ku dishay.

Dhanka kale, Warsame ayaa ka dhawaajiyey in hay'adda NISA ay "handadaad" ku hayso guddiga doorashooyinka. Balse ma uusan bixin tafaasiil ku saabsan waxa ay salka ku hayso cagajugleyntaas.

"NISA waxaa horay ugu luglahayd dhalinyaradii Eriteria loo qaaday, kiiskan iyo kuwo kale oo la mid ahna waa lagu haystaa. Waxay hanjabaad joogta ah ku hayaan xubnaha guddiyada doorashada," ayuu xusay.

Wuxuu kusoo xiray: "Sida keli ah ee NISA lagu xakamayn karo waa in hoggaankeeda la bedelaa, loona dhiibaa shakhsi shaqada hay’ada ku ekaada. Waa tijaabo hortaala madaxbanaanida RW Rooble".

Eedeynta Warsame ee ku saabsan in NISA ay handadaad ku hayso xubnaha guddiga doorashooyinka ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan warar sheegaya in Villa Soomaaliya isku dayso boobka coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM