NISA oo "qabatay" shabakad Al-Shabaab u qaabilsan qaraxyada

Image
Image
Image

MUQDISO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay qabatay shabakad Al-Shabaab u sameyn jirtay qaraxyadda.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in xubnahaan lagu soo qabtay howlgal la sameeyay 26 illaa iyo 28 Janaayo, 2020-ka.

Warka laguma soo bandhigin tiradda, magacyadda iyo sawiradda shaqsiyaadka la tilmaamay in ay soo galeen gacanta laamaha ammaanka.

Sidoo kale, hay'addu ma aysan carababaabin goobta uu sida gaarka ah kaga dhacay howlgalka marka laga reebo in lagu soo koobay caasimadda waddanka.

Hase ahaatee, NISA waxay baahisay sawirada iyo muuqaalada agab ay tibaaxday in laga sameeyo qaraxyadda iyo dhowr xabo oo qoryaha garabka laga tuuro ah.

"Howlgalo qorsheysan oo ciidanka amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan ayaa lagu soo qabtey shabakad qaraxyada u qaabilsan AS iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka kooban ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Wadashaqaynta shacabka iyo laamaha amniga waa sababta keentay guushaan".

NISA ayaa la sheegay in bilooyinkii lasoo dhaafay ay xoojisay dhaqdhaqaaqyo lagu dabagalayo shaqsiyaad looga shakisan yahay maleeyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM