Nooca xanuunka ku dhacay Janan intii uu xirnaa oo la shaaciyey

Image

KISMAAYO, Jubaland – Macluumaadyo dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda Cabdirashiid Janan mudadii uu dowladda federaalka Soomaaliya u xirnaa ayaa durba bilaabatay in daaha laga rogo.

Janan oo la sheegay in uu jeelka ka fakaday 28-kii Janaayo ayaa la xaqiijiyey in 31-dii Janaayo 2020 uu doon ku gaarey Kismaayo, xarunta ku meel gaarlka dowlad goboleedkaas.

Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed [Coley] ayaa wuxuu kamid ahaa madaxdii soo dhaweysay Wasiirka Amniga Jubaland.

Mr Shire oo u waramay BBC-da ayaa sharaxay in dareen farxadeed ay ku qaabileen Janan oo loo gudbiyey magaalada Nairobi.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubaland, Suldaan Lugadheere, ayaa kamid ahaa mas'uuliyiintii ugu horeysay ee aragtay Cabdirashiid.

Sidda uu ka dhawaajiyey Xildhibaanka, socdaalka Janan ee Nairobi ayaa la xiriira arrimo caafimaad gaar ahaan hubinta badqabkiisa.

"Wuxuu noo sheegay in mudadii uu xirnaa uu ku dhacay xanuunka Kaduudiyaha lugaha. Waxaa ka muuqatay dhafar iyo soo jeed badan, siddiisa kale wuu fiicnaa," ayuu raaciyey.

Mar la waydiiyey qaabka uu xabsiga kaga baxsaday, Xildhibaanka oo ka gaabsaday in uu su'aashaas ka jawaabo ayaa xusay "baadida xagey ka heshay? Waa war badni ayaa la yiraahdaa".

Kahor inta aan loo duulin caasimada Kenya, Janan ayaa daqiiqado ku hakaday garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo xerada ciidanka AMISOM, oo daawooyin uu ka qaatay, sidda uu xusay Coley.

Gabagabadii, Coley ayaa diiday in uu ka jawaabo su'aal kale oo ku saabsaneyd in Jubaland ay wax ka ogayn baxsashada Janan.

"Qaabka uu kusoo baxsaday iyo afaarahaas waa arrimo hoose oo dib laga fahfaahin doono," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Bishii August, sanadkii 2019 ayay ahayd markii booliska Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qabteen Janan oo kusii eeday Addis Ababa kuna eedeeyay dambiyo culus oo ka dhacay Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM