Odowaa: Farmaajo wuxuu 2 sano ku mashquulsanaa bur-burinta maamul Goboleedyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore arrimaha gudaha, ahna hadda Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in tan iyo markii uu xafiiska yimid, uu ku mashquulsanaa burburin maamul goboleedyada dalka.

Xildhibaanka ayaa tusaale usoo qaatey xariga Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa Musharixiinta doorashadii Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in tallaabadii lagu soo xiray Roobow ay ahayd mid khaldan, maadaama ay horey Xukuumadda u siisay Roobow Baasaboor Diblomaasi ah, una ogolaatey inuu sameeyo dhaq-dhaqaaq xor ah dal iyo dibad.

Kadib markii Xildhibaanada ka tanaasuleen Mooshinkii xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo waxaa billowday wadahadallo hoose, oo la doonayo in lagu dhameeyo Khilaafka ka taagan Guddiga Maaliyadda ee Gollaha Shacabka.

Xildhibaanada keenay Mooshinka ayaa ogolaadey go'aankii Mursal, balse waxay dalbadeen in xukuumadda joojiso faragelinta ay ku hayso Gollaha Shacabka, islamarkaanka ilaaliso Dastuurka.

Cabdiraxmaan Odowaa, ayaa dhanka kale ku goodiyay in hadii dowladdu fulin waydo qodobadani ay mar kale keeni soonaan Mooshinka ka dhan ah Farmaajo.

"Madaxwayne wali isheenu way furan tahay..hadii aan ka noqonay Mooshinka ma ahan inaad adiga naga saxan tahay, waa inaad fulisaa qodobadii aan ku heshiinay,” ayuu Odowaa u sheegay warbaahinta.

Saleebaan Maxamuud Xaashi, oo isna kamid ahaa xubnaha Aqalka Wakiilada rayikda ee keenay Hindisaha wuxuu si cad u shaaciyay in dib usoo celinta Mooshinka ay ka go’an tahay hadii Madaxtooyadu fulin waydo heshiiska.

Xeel-dheerayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in Madaxwayne Farmaajo ay ku adkaan karto fulinta qodobadaasi qaarkood, iyaga oo sababta ku tax-liilay in kaliya uu rabay inuu xiisada isaga dejiyo.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM