Olole liddi ah Soomaalida oo ka bilowday qaar kamida dalalka Carabta

Image

KHAAHIRA, Masar – Natiijo xun ayaa ka dhalatay go'aankii ay Dowladda Soomaaliya dhexdhexaad uga noqotay loolanka Masar iyo Itoobiya, sidda lagu sheegay maqaal lagu daabacay joornaalka Al-Araby Al-Jadeed.

Sidda lagu sheegay faaladan uu Al-Shafi’I Abtadoun, olole ka dhan ah Soomaalida ayaa ka bilowday qaar kamid ah Khaliijka markii xukuumadda Muqdisho ay mowqifkaas ka sheegtay Shirkii Jaamacada Carabta.

Ololahaas oo ay wehliyaan fariimo bahdil iyo aflagaado ah oo hawada loo marinayey Soomaalida waxaa wehliya codsiyo ku saabsan in laga musaafuriyo wadamadaas "maadaama ay u hiilin weyday qadiyad Carab".

Warbaahinta Masar, sidda ku cad maqaalka, ayaa si gaar ah u baahineysay sheekooyinka ka dhanka ah Soomaalida kadib shaacinta aragtida xukuumada Muqdisho.

Soomaalida oo ku nool wadamada Carabta ayaa isugu jira; qaar waxbarasho u doontay, qaar shaqo u raadsaday, kuwa ganacsiyo ku leh iyo qoysas degaan ahaan ugu nool. Si lamid ah, tirro kale oo dalxiis ahaan u taga.

Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya dhismaha biyo xireen laga hirgelinayo webiga Nile, kaas oo Addis Ababa dooneyso in ay koronto ka dhaliso, balse Khaahira ay ku sheegtay in uu halis ku yahay amnigeeda iyo dalageeda.

Ururka Midowga Afrika ayaa bilaabay dedaalo uu ku qaboojinayo xiisada laga cabsi qabo in ay gacan ka hadal isku rogto maadaama ay olole milatari bilaabeen labada dal.

Inkasta oo Soomaaliya xustay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisada, safiirka u jooga Itoobiya, C/xakiim Camey, ayaa si furan ugu sheegay saxaafada in ay la safan yihiin Addis Ababa, arrintaas oo shakiga xoojisay.

Siyaasiyiinta gudaha oo midnimo u muujiyey Khaahira ayaa ku dhaliilay dowladda federaalka in ay dhexdhexaad ka noqotay qadiyadan, iyagoo ku sifeeyay mowqifkaas "mid u adeegaya waddanka Itoobiya".

Hogaamiyeyaasha haatan ka kala arimiya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sanadkii hore waxay kala saxiixdeen heshiisyo ay ku yeelanayaan iskaashi dhaqaale, mid amni iyo qorshe ay ku mideynayaan is-dhexgalka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM