Puntland iyo Galmudug oo talo mideysan ka yeelanaya doorashadda

Image

GAALKACYO, Puntland – Dowladaha Puntland iyo Galmudug ayaa isla meeldhigay in ay talo mideysan ka yeeshaan arrimaha siyaasada Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka 2020-21, sidda lagu sheegay war qoraal ah.

War-saxaafadeedka wadajirka ah oo kasoo baxay kulan madaxeed ay hogaanka labada maamul ku yeesheen magaalada Gaalkacyo ayaa ka koobnaa todoba qodob oo nuxukoodu yahay xoojinta iskaashigada dhinacyada.

"Shirka waxaa lagu go'aamiyey in la joogteeyo shirarka iskaashiga Puntland iyo Galmudug si ay uga wada arrin-sadaan danaha ka dhaxeeya labada Dowladood, sidoo kalan talo mideysan ka yeeshaan guud ahaan aragtida siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020-21, kana wada shaqeeyana geedi u socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya," ayuu lagu yiri.

Kulanka oo shalay ka furmay qasriga Madaxtooyadda Puntland ee Gaalkacyo waxaa ka qeybgalay wasiiro labada dowladood ka kala socday.

Iskaashiga ay ku balameen dowladahan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa kusoo hagaagaya xilli waddanka uu galay mar-xalad kala guur ah.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa Sabtida maanta ah shaaciyey in aysan waqtigeeda ku dhici karin coddeynta loo qorsheeyay 2020-21.

Xaliima Yarey, gudoomiyaha guddigaas, ayaa soo jeedisay laba nooc doorasho oo mid qabsoomi karto August, 2021 iyo mid dhici karta bisha Maaj.

Maamulada, Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta ayaa horey uga dhigay dib u dhac iyo muddo kororsi ay sameystaan madaxda fadhisa Villa Soomaaliya oo wajahaya eedeymo ku aadan in ay diideen wada-xaajoodyo ay ka galaan.

BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM