Puntland iyo Jubaland oo ayiday dib ugu noqoshada wadahadalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa ku biiray saamileyda siyaasadda Soomaaliya ee bogaadiyey go'aanka ay Galmudug, HirShabelle iyo Xukuumada xilgaarsiinta ku diideen kororsiga.

War-saxaafadeedyo kala duwan oo kasoo baxay labadan maamul goboleed ayaa lagu ayiday in dib loogu laabto wadaxaajoodyadda si la isugu raaco nanaan doorasho oo loo dhan-yahay kuna saleysan 17-kii September.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay aad uga xun yihiin dhacdooyinka liddiga ku ah ammaanka ee maalmii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada caasimadda ah Muqdisho una dhaxeeyay mucaaradka iyo dowladda dhexe.

Dhamaan dhinacyadda kale ee ay khuseyso qadiyada doorashooyinka ayay ku booriyeen in ay taageeraan geedi-socodka doorashooyinka si waddanka loogu hogaamiyo coddeyn daahfuran oo heshiis lagu yahay.

Hoos ka akhriso bayaanka Puntland

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhaweynaysaa Warmurtiyeedyada ay soo saareen Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaan Dowladda Koonfur Galbeed u rajaynaynaa in ay qaataan mowqifkaas la mid ah.

Dowladda Puntland waxay ka xuntahay dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynaysaa cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka.

Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah.

Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geysataan illaalinta xasiloonida Dalka iyo sidii looga miro dhalin lahaa qabsoomidda doorasho wadar oggol ah.

Dowladda Puntland waxay bogaadineysaa kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah.

War-saxaafadeedka Jubaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi oo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto “socdaal isbeddel”

Kulan uu la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya ayuu ka sheegay hadalkan.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 05:45PM

Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga oo bilaabatay

Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 08:35AM