Puntland iyo Jubaland oo qashinka ku daray eedeynta dowlada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa waxay sheegeen in aysan ogeyn "shir fashilmay" iyagoo xusay in Farmaajo kulankii maanta "kusoo xiray in wadatashiyo lasoo sameeyo".

Mas'uuliyiin ka tirsan labada maamul oo shir jaraa'id ku qabtay caasimada Muqdisho ayaa intaas ku daray in ay rumeysan yihiin in kulanka wali furan yahay isla markaana diyaar u yihiin ka qeybgalkiisa.

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen in shaacinta dowladda federaalka ee in uu burburay kulanka ay qeyb ka tahay isku-dayada ay ku doonayaan in ay ku helaan muddo kororsi aan lagu heshiin.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi oo kamid ah mas'uuliyiintaas, ayaa ku daray: "Dubbe waxaan leeyahay Godka lagu cadaabyoow muxuu go'luhu been sheegay?".

Cismaan Abuukar Dubbe waa wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya kaasoo iclaamiyey in uu burburay kulanka kuna eedeeyay Puntland iyo Jubaland in kulanka natiijo la'aan ku idlaado.

Dhanka kale, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, musharax madaxwayne ahna hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa sheegay in fariinta Dubbe horey loosii duubay.

"Ilo lagu kalsoon yahay oo taleefishanka qaranka ka tirsan ayaa ii xaqiijiyey in fariintan muuqaalka ah ee uu Dubbe jeedinayo xilli hore la duubay. Taasi waxay marag fur u tahay in Farmaajo ku tala galay fashilka shirka," ayuu ku daabacay bartiisa Facebook.

Burburka wadaxaajoodyadda ayaa dhabaha u xaari karta; in ay sii xoogeysato xiisadda siyaasadeed ee waddanka haatan ku  jiro iyo in ay xoogeysato oo diyaarinta shirarka la wareegto Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM