Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Image

GAROOWE, Soomaaliya (GO) — Dowladda Puntland ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u dirtay qoraal ay kaga hadashay khilaafka siyaasadeed iyo xaaladda amni ee Soomaaliya, iyadoo dalbatay wadahadal siyaasadeed oo degdeg ah, dib u eegista xayiraadaha hubka iyo in la xoojiyo xiriirka tooska ah ee beesha caalamka ay la leedahay dowlad-goboleedyada.

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha Guud ee QM António Guterres iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka, ayaa Puntland ku sheegtay inay hordhac u tahay doodda Golaha Ammaanka ee Soomaaliya ee la filayo bisha Oktoobar.

Puntland waxay qoraalka ku eedeysay Dowladda Federaalka inay tan iyo 2023 wiiqaysay nidaamka federaalka, isla markaana ay taageertay kooxo hubeysan iyo maamullo isbarbar socda oo ka jira deegaannadeeda.

Waxay si gaar ah u soo qaadatay dagaalkii Gaalkacyo ee Agoosto, iyadoo sheegtay in hub laga soo dejiyey Koonfurta Gaalkacyo si loogu gudbiyo Waqooyiga Gaalkacyo. Puntland waxay sheegtay inay dagaalka kadib qabatay 101 qof, isla markaana la wareegtay hub, gaadiid iyo qalab kale.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland labadii sano ee la soo dhaafay dagaal kula jirtay ISIS buuraha Calmiskaad, iyadoo sheegtay inaysan Dowladda Federaalka ka helin taageero ciidan, dhaqaale ama qalab. Puntland waxay sidoo kale ka digtay soo noqoshada burcad-badeedda, waxayna dalbatay iskaashi caalami ah oo toos ah oo lagu xoojinayo amniga xeebaha.

Türkiye iyo duqeymaha xeebaha

Puntland ayaa qoraalka ku eedeysay ciidamada Türkiye inay 18 iyo 20 Agoosto duqeymo ka geysteen xeebaha Jiifle iyo Garmaal, kuwaas oo ay sheegtay inay ku dhinteen 14 Soomaali ah laguna burburiyey doonyo kalluumeysi.

Waxay sheegtay inay Türkiye hore uga codsatay inaan waxyeello loo geysan kalluumeysatada iyo hantidooda.

Warqaddu waxay sidoo kale soo qaadatay duqeyntii 3-dii Sebteembar ka dhacday Doolow, iyadoo Puntland ka digtay in qalab milatari oo saaxiibada caalamku ugu talagaleen la dagaallanka kooxaha argagixisada loo adeegsado khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalida.

Lix dalab oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka

Puntland waxay Golaha Ammaanka hor dhigtay lix qodob: qabashada wadahadal siyaasadeed oo degdeg ah; xiriir iyo taageero toos ah oo lala yeesho dowlad-goboleedyada; dib-u-hawlgelinta Guddiga Khubarada; dib u eegista iyo adkeynta xayiraadaha hubka; kordhinta muddada UNTMIS; iyo in Golaha Ammaanku ka hadlo arrimaha la xiriira maamulka iyo kheyraadka Soomaaliya.

Puntland waxay sheegtay in khilaafka siyaasadeed ee jira uu horseedi karo sameysanka “dowlad isbarbar socota” oo Muqdisho ka dhalata haddii aan heshiis laga gaarin hannaanka siyaasadeed iyo doorashooyinka.

Warqadda ayaa lagu soo gabagabeeyey in Puntland ay weli taageersan tahay Soomaaliya “xasilloon, nabad ah, dimuqraadi ah oo federaal ah.”

Nuqullo ka mid ah qoraalka waxaa loo diray xubnaha Golaha Ammaanka, Dowladda Britain, saraakiisha sare ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM