Puntland oo shaacisay mowqifkeeda natiijada Imtixaanka DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo jeediyey khudbadiisa maalinta la hadalka dadweynaha isagoo ku sugan Muqdisho, ayaa ka waramay qodobo kala duwan oo muhiim ah.

Deni oo xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya aysan wali maamulada ku wareejin deeqihii caalamiga ahaa ee loogu talagalay kabka miisaaniyada ayaa ka digay in talaabadaas ay wiiqdo hanaanka deyn cafinta dalka.

"Waxaan rajeynayaan in hay'addaheena maaliga ah ee heer federaal iyo heer state la ilaaliyo oo laga ilaaliyo in halkaa turxaan ka timaado, maxaa yeelay hay'addihii iyo dowladihii waxaan kasoo shaqeeyay runtii aad bey noo waydiiyeen, wayna ka xun yihiin in ay sidaas dhacdo," ayuu yiri.

Dhanka kale, Deni ayaa soo hadal-qaadin Natiijada Imtixaanka Shahaadiga oo ay dhowaan shaacisay dowlada federaalka kana dhalatay dood markii ay dhaceen in ka badan sideed kun arday oo badankooda ku nool Muqdisho.

Digniihii ay Punland ka bixisay Imtixaanka Mideysan oo ah in dowlada aysan awood u lahayn ayuu tilmaamay in caddeyn u tahay jahwareerka.

Sii haayaha wasiirka waxbarashada federaalka, Cabdullaahi Goodax Bare, ayuu ka dhawaajiyey in uusan ka war-qabin qaabka ay kusoo baxdey natiijada.

"Gobolada qeybtood Covid-19 wuu ka jiray, nabad-gelyo xumana way ka jirtay, dagaalkana way ka socdeen, dadka qeybtoodana way ka qaxeen, natiijada kasoo baxdey in aysan sax ahayn baan aniga u maleynayaan," ayuu xusay.

Puntland oo cuskaneysa dastuurka ayaa ku adkeystay in ay si madax-banaan u maamulaneyso Imtixaanka inta dowlada awood u yeelaneyso.

Geesta kale, madaxweyne Deni ayaa cadeeyay in ay xiran yihiin afar garsoore kuwaasoo uu sheegay in ay sameeyeen "khaladaad iyo wax-is-damarin". Wallow uusan xusin meesha lagu xiray, haddana waa cadaalad sugeyaal.

Deni ayaa Muqdisho u jooga wadahadalada arrimaha doorashooyinka Soomaliya 2020-21, kuwaasoo uu ka rajeeyay in ay kusoo dhamaadaan miradhal.

Soomaaliya ayaa wajaheysa mar-xalad kala guur ah, waxaana u wehlisa nooca lagu galayo coddeynta soo aadan oo aan wali heshiis siyaasadeed laga gaarin xili Madaxtooyada Soomaaliya ay waqtiga ku idlayneyso fulinta damaca Farmaajo.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM