Puntland oo soo rogeysa amarro horleh lana xiriira xakameynta Corona

Image

GAROWE, Puntland – Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa shaaca ka dhigay in dowladdu ay awaamiir horleh kasoo saareyso xakameynta safmarka Coronavirus.

Mr Dhabancad oo habeenimadii Jimcadda wariyeyaasha kula hadlay degmada Qardho ayaa ka gaabsaday in uu ka horudhaco fahfaahinta amarada horta leh.

Balse, wuxuu cod dheer kaga dhawaajiyey in shirar ay xukuumadda ka yeelan doonto, maadaama ay sii kordheyso halista cudurka.

Xilli uu xusay in Puntland ay si dhow ula socoto xaaladaha xanuunka ee degaanada ku teedsan iyo magaala madaxda Muqdisho, wuxuu meesha ka saarey in daadka Qardho ay "hilmaamsiiyeen" Covid-19.

Shacabka ayuu ku waaniyey in ay u hogaan-samaan talooyinka caafimaad iyo amaradda ka hortagga caabuqa ee dowladu soo saarto.

Maadaama ay haatan gabagabo ku dhow-dahay waqtigii hore, wasiirka ayaa tibaaxay in ay shirar ka yeelanayaan hadii lasii kordhinayo ama la laalayo bandowga habeenkii ee magaalooyinka waaweyn.

Dhanka kale, Dhabancad oo ah gudoomiyaha guddiga gurmadka Qaran, ayaa tibaaxay in ay hubinayaan khasaaraha guud fatahaaduhu ka geysteen xarunta gobolka Karkaar ee bariga Soomaaliya.

"Inkastoo lagu jiro hubin iyo dib loogu laabto, xogta horudhac ah ee la helay waxay weye 3,200 qoys in ay daadadku saameeyeen gudaha Qardho," ayuu kaga jawaabay su'aal ku saabsaneyd khasaaraha guud.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa tilmaamay in ay dhowaan lasoo bandhigi doono daraasad guud oo xal waara loogu keeni doono fatahaadaha, waxaana uu ka dhawaajiyey in ay ku howlan yihiin khuburo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM