Qaab uu "ku fashilmi karo" shirka Afasiyooni oo laga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Haddii doorka dhexdhexaadnimo ka weecdaan dhinacyada u kala dabqaadaya madaxda Soomaalida ee Muqdisho uga shiraya ajandaha kulan-weynaha arrimaha doorashooyinka wuu burburi doonaa kulankaas, sida uu aaminsan yahay Ra'iisul Wasaarihii 13aad ee Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo sidoo kale ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa fariintaas ku gudbiyey qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Dhawaqa Sharmaake ayaa kusoo hagaagay xilli labadii maamlmood ee lasoo dhaafay ay Muqdisho ku shireen hogaamiyeyaasha Soomaalida kuwaasoo xal u goobaya is-mari-waaga doorashadda.

Shirkaas waxaa soo agaasintey Beesha Caalamka. Balse, Villa Soomaaliya waxay u muuqataa mid hoos u dhigeysa dedaalada diblumaasiyiinta shisheeye ee isku-soo-jiidka madaxda Soomaalida.

Sharmaake oo laba jeer wasiirka koowaad kasoo noqdey dalka iyo musbarax madaxwayne ayaa cod dheer oo dadban uga digay in kaalinta Beesha Caalamka ay isku rogto u sacabo tunka dhinac gaar ah.

"Doorasho lagu kalsoonaan karo waxaa lagu gaari karaa haddii arrimaha waaweyn ee ay wadaagaan dhammaan daneeyayaasha laga wada hadlo oo si fahfaahsan looga heshiiyo shirka weyn. Geedi-socodka gorgortanka ajandaha waxay u badan tahay inuu fashilmo haddii dhexdhexaadintu u weecato dhinac ama dhinaca kale arrimo farsamo ama xaddidan," ayuu ka dhawaajiyey.

Madaxda dowladda federaalka ee waqtiga ka dhamaadey, hogaanka maamulada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la filayaa in ay mar kale shir isugu soo laabtaan maalinta Talaadada si ay wadaxaajoodyada u sii socdaan maadaama natiijo la'aan kusoo idlaadeen shirarkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM