Qaababka ay Qadar u maalgeliso Al-Shabaab oo sharaxaad laga bixiyey
ABU DUBAI, UAE – Dowladda Qadar ayaa si toos ah iyo si dadban u maalgelisa Al-Shabaab, sidda uu sheegay Cabdullaahi Cali Axmed [Sanbaloolshe], taliyihii hore ee Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed.
Sanbaloolshe oo u waramay Telefishinka Al Carabiya ayaa sheegay in Dooxa ay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida la leedahay xiriir xooggan, ayna siiso maalgelin lacageed iyo taageero dhinaca sahayda ah.
Madaxii hore ee NISA ayaa soo qaatay dhacdadii ugu dambeysay ee madax-furashadda 3-da milyan ay Al-Shabaab ku heshay sii deynta Silvia Romano, taas oo uu ka dhawaajiyey in ay door dhexdhexaadin ku lahayd.
Sidda uu ka dhawaajiyey Sanbaloolshe, taliyaha hay'adda NISA, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa ah "isku xiraha Dowladda Qadar iyo Al-Shabaab".
"Qadar waxay la leedahay Al-Shabaab xiriir dheer oo soo jireen ah kaasoo ay ku maalgelinsay sanadihii lasoo dhaafay. Waxay qarash ku bixisaa howlgalada kooxda. Taageeradeeda ugu badan waxay u marisaa heshiisyadda madax-furashadda si ay ugu kabto dhaqaalahooda," ayuu yiri.
Wallow ay Qadar ka qeyb-qaadato howlaha bini'aadanimo ee Soomaaliya, Sanbaloolshe wuxuu ku tilmaamay "isha fowdada iyo xasilooni darada dalka".
Siyaasiga oo sii hadlaya ayaa rumeysan in weeraradda qaar ee Al-Shabaab ay ka fuliso Soomaaliya "ay yihiin kuwa lagu fulinayo danaha Qadar".
Dhanka kale, hogaanka taliska NISA iyo dowladda Qadar wali kama jawaabin eedeymahaan oo isa soo tarayey bilooyinkii lasoo dhaafay.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Sanbaloolshe ayaa daboolka ka qaadey in Al-Shabaab ay sanadkii sameyso 400 milyan oo ay ka hesho dakhliga ay ka uruuriso ganacsatada "taasoo ay ku taageeraan saraakiil sar-sarre".
Lacagtaas, sidda laga soo xigtay Sanbaloolshe, waxaa laga soo uruuriyaa ganacsatadda iyo shacabka Muqdisho. Xubnaha Al-Shabaab u uruuriya waxay "garab istaag ka helaan mas'uuliyiin dowladeed".
Turkiga iyo Qadar ayaa haatan kamid ah dalalka saameynta ugu badan ku leh dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo, taas oo mudada xileedkeeda uu gabaabsi yahay. Xiriirkaas dhow waxaa laga keenay su'aallo.
GAROWE ONLINE