Qaabka uu Qalbi dhagax kaga soo baxsadey Tigraygii "khaarijin lahaa"

Image

NAIROBI, Kenya – Cabdikariin Muuse [Qalbi dhagax] ayaa shaaciyey in uu kasoo baxsaday ciidamo Tigray ah oo "Dowladda Soomaaliya kula heshiisay in ay dilaan kahor inta aysan Itoobiya sii deyn".

Qalbi dhagax oo dowladda Farmaajo u gacan gelisay Itoobiya bishii August 2017-kii ayaa xirnaa ku dhowaad hal sano.

Iyaddoo isbedelka ka dhacay Itoobiya lagu cafiyey maxaabiista guud, hogaanka garsoorka ONLF ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay xusul badan u gashay sidii uusan xorriyadiisa dib ugu heli lahayn.

"Nimanka hadda jooga waxay soo deynteeda u arkayeen in ay burburkoodii tahay, waxay heshiis ku galeen in la ii hayo ama in la i khaarijiyo," ayuu u sheegay SSTV oo wareysi gaar ah uu siiyey.

Siyaasiga ayaa laga wareejiyay xabsigii mudada dheereyd uu ku xirnaa oo lagu sheegay garoonka ciidamadda. Markii 17 maaalmood uu ku qaatay jeelka cusub, waxaa lagu wargeliyay in meel kale la gaynaayo.

"17-kaa berri ee aan meeshaa ku jiray waxaan helay fursad intii hore ka badan. Masaajid ku dhowaa ayaa la ii ogolaadey in aan kusoo tukado, laakiin dhul aan aqaano maaheen," ayuu yiri.

Goobta cusub ee la geeyay ayaanan aad uga fogayn halka uu waqtiga badan ku qaatay oo ahayd garoonka ciidamadda.

"Waa aag aan is leeyahay in aan ka baxsan karin ayey ogaayeen, waa qolo aan is leeyahay waa sirdoonkooda. Waxaan ku guuleystay in aan dad Soomaali ah ka dhex helo meeshaa, laakiin isuma sheegin".

Baxsasho

Kadib markii loo sheegay in laga bedelayo halka lagu hayo, maalinta 17aad wuxuu la shiray Xaaskiisa oo ku wargeliyay in uu dejiyey qorshe uu ku baxsanayo, iyadduna agabkeeda isku xir-xirato.

Haweenaydiisa ayaa "qabatay shaqo fiican" markii ay soo heshay telefoon yar iyo lamberadda shaqsiyaad muhiim ahaa.

"Salaadii subax markaan tukadey waxaa ii taalay saddex kitaab oo Qur'aan ah oo gabadha [xaaskiisa] ay qaar ii keentay mid aan horey u sii heystay, markaan tukanay Masaajidka ayaan sii aadayaa baan ku iri qoladii [ciidamada]. Laba jus oo Qur'aan ah ayaan akhriyey laba kitaabna Masaajidka ayaan dhigay, Salaatu Dhuxana waan tukadey, Ilaahey ayaan waxaan waydiistay in uu nasiib fiican isiiyo oo iiga hiiliya 'cadowgayga' annoo isku kalsoon baan tegay".

Kadib markii uu kasoo baxay Masjidka ayuu u ruqaansaday dhanka boosteejada gadiidka, isagoo la heshiiyey gaari isla markaana kaxeeyay xaaskiisa, wallow ciidamadii ay arrintaas aad uga soo horjeesteen.

"Intii aan la heshiinayey gaariga ayaa waxaa ii yimid ninkii magaaladda haystay wuxuu iigu yiri 'maxaad ka rabtaa gaariga?' waxaan u sheegay in aan dirayo xaaska oo iyaguna aan ku wargeliyey. Iyaga ayuu la hadlay wuu iigu dhiibay waxaana ku iri 'gabadha iyadda maxbuus maahan anigaa idin xiran hadii ay iyadduna maxbuus tahay guriga ugu tagoo soo xira' sidaas ayaan ku kala tagnay".

Ka gedaal markii uu dhaqaajiyey gaariga, Qalbi Dhagax ayaa ciidamadii ilaalada ka haysay ka dalbaday in uu Masaajidka kasoo qaato Ookiyaale uu kaga soo tagay, waxayse qayb ka ahayd qorshahiisa baxsashadda.

200 bir ah

"Masaajidka wuxuu iska ahaa mid rafaadsan oo laga dhex-bixi karo. Maalmihii aan imaanayey ayaan sahan-sadey buur aan ka fogayn Masaajidka oo laga sii degaan degi karo, wallow aan ogayn waxa kasii dambeeya, halkaas ayaan qaaday anigoo cagta furaya".

Wuxuu ku daray: "Markii aan kasii degay ayaan arkay meel magaalo ah oo tii aan ka imid ka weyn".

"Gaari Taksi ah ayaan kula heshiiyey 200 bir ah inuu u geeyo meel la yiraado Booli Makaali, wallow aan lacagna waddan balse telefoonkii gabadha ii keentay iyo saacada oo aan is lahaa aad siisid hadii uu kuugu murmo".

Intii uu saarnaa gaariga, Qalbi dhagax ayaa wacay qaar kamid ah telefoonada ku jiray mobeelka ay marwadiisa u keentay.

"Kolba sidii dadka isugu dhiibayeen, waxaan helay laba qof oo fiic-fiican oo la yiraahdo Maxamed Yare iyo nin la yiraahdo Jamaal Warfaa oo xuquuqul insaanka u dooda," ayuu carabka ku dhuftay.

Wuxuu raaciyey: "Iyagaa la hadlay waxaan ka yiri waan soo baxay. Darawalka iyo iyagaa wada hadlay. Waxaanu is aragnay, iyagaana bixiyey lacagta. Waanu israacnay. Dowladda Itoobiya ayaana ila wareegtay".

Eedeynta Dowladda Federaalka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ku eedeeyay in ay "maleegeen" qorshe ahaa in aan dib loo arag isaga, balse kadib baxsashadiisa uu dhicisoobay.

Mudadii uu ku jiray gacanta ciidamada Tigray-ga, ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa amray in la baadigoobo Qalbi dhagax maadaama dowladiisu ka war heshay arrinta ku saabsan in la qariyey.

Markii uu ku guuleystay in uu soo baxsado, xukuumadda Addis Ababa ayaa la wareegtay ammaankiisa, waxaana la dejiyey huteel amnigiisa aad loo ilaaliyo isla markaana laga fogeeyay saraakiisha sirdoonka.

Intii uu xirnaa mas'uuliyiin kala duwan oo ka socotay dowladda federaalka ayaa tegay Addis Ababa, kuwaasoo isugu jira kuwa "ka xumaa qabashadiisa oo uu ku jiro Axmed Madoobe iyo qaar doonayey in lasii hayo".

Maalmihii uu xirnaa wuxuu sheegay in lagu cadaadiyey in uu tago Jigjiga, isla markaana uu codsado cafis, hase ahaatee wuu ka biyo diidey.

Maamulka Abiy oo "garow-sadey in kiiskiisu yahay mid caalami ah" ayaa ku tartarsiiyey Cabdi Illay in aanan Qalbi Dhagax lagu sameyn wax uusan rabin.

"Aniga qofkii ii sameeya waxaan kaliya doonayey abaal baa u hayaa".

Sikastaba ha ahaatee, bishii June 28-keeda, Qalbi Dhagax oo mudadii uu huteelka Addis Ababa ku jiray la kulmay Abiy ayaa xorriyadiisa dib u helay, waxaana aad loogu soo dhaweeyay meelo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo qabatay rag maleegayay weerar burcad-badeednimo

Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:29AM

Xasan Sheekh oo sagootiyay Ergayga Qaramada Midoobay

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:21AM