Qaabka uu u dhacay dil wadareedkii Gololey oo sharaxaad laga bixiyey

Image

JOWHAR, HirShabelle – Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa sharaxaad horudhac ah ka bixiyey qaabka uu u dhacay dil wadareedka 8-da qof loogu geystay tuulada Golole, duleedka Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maxamed Cali Caadle, wasiirka arrimaha gudaha maamulkaas, ayaa sheegay in todoba kamid ah ay ahaayeen xirfad-layaal caafimaad, ruuxa kalena uu mehrad ku lahaa nawaaxiga MCH-ka ay ka shaqeynayeen.

Caadle oo u waramay warbaahinta dowlada Puntland ayaa xaqiijiyey in sideedooda lagala dhex-baxay tobanaan ruux oo kooxaha hubeysan ay xaafadahooda kasoo saareen kuna kulmiyeen hal goob.

Tani, sidda ay rumeysan yihiin falanqeeyeyaasha, ayaa macnaheedu yahay in ay ahaayeen dad lasoo far-muuqay ama bartilmaameed toos ah ahaa.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, shaqsiyaadka afduubka sameeyay ayaa wejiga soo qarsaday, talaabo u muuqata ay uga hortagayeen in la aqoonsado.

Shalay oo Khamiis ahayd gaar ahaan abaare galabnimadii ayaa meydka sideedooda lasoo dhigay duleedka Gololey, sidda uu shaaciyey wasiirka, oo carabka ku dhuftay in ay baarayaan dhacdadaas.

"Marka arrintaas ciddii ku lugta lahayd baaritaan ayaa socda oo lagu ogaan doonaa," ayuu ka daray, isagoo ka gaabsaday bixinta tafaasiil dheeraad ah.

Gololey waa ka arimiya maamulka HirShabelle, balse ma joogaan ciidamo dowladeed oo awood badan, waana mid kamid ah goobaha ay Al-Shabaab ku qarxiso ciidamadda xoogga iyo mas'uuliyiinta.

Horaantii asbuucaan, qarax miino oo duleedka Gololey lagula eegtay ciidamo milatari ah ayaa sababay dhimashadda ku dhowaad sagaal askari iyo dhaawaca tirro intaas ka badan.

Dhacdadaan ayaa mar kale sarre u qaadeysa walwalka ku aadan in dadka shacabka ay yihiin dhibaneyaasha ugu balaaran ee falal amni darro ee ka dhaca Soomaaliya, oo ay ka dambeeyaan kooxo ka baxsada cadaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM