Qaar kamid ah dhaawacyadda qaraxii Afgooye oo dibadda loo qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiin ayaa Talaadada maanta ah xaqiijiyey in dibadda loo qaadey qaar kamid ah dhaawacyadda ismiidaamintii Al-Shabaab ee jidka Afgooye.

Weerarkaas ayaa sababay waxyeelo soo gaartay in ka badan 20 ruux oo ay ku jiraan lix u dhalatay waddanka Turkiga.

Shaqsiyaadka la beegsaday ayaa isugu jiray shaqaale Turki iyo Soomaali ah oo ku howlanaa dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dayactir xoogan uu ku socdo.

Qaraxaas ayaa hakad geliyey shaqadda dhismaha wadada, wallow maalin kadib dib loo bilaabay, sidda ay sheegtay shirkadda qandaraaska haysta ee Enez.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xusay in bukaanada la duuliyey ay badankooda yihiin kuwa xaaladooda dalka wax looga qaban waayey oo ay ku jiraan muwaadiniinta Turkida.

"Diyaarad gaar ah oo Turkiga soo diray ayaa lagu qaadey dhamaantooda, waxaana u rajeynaynaa soo kabasho degdeg ah," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii waxay damaanad-qaadey ammaanka howladeenada Turkida iyo Soomaalida ah ee dayactirka oo ay meelgelineyso Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM