Qabashada codsiyada baasaboorka Soomaaliya oo la hakiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay shaaca ka dhigtey in ay hakisay qabashada codsiyadda baasaboorka Soomaaliya "illaa iyo wargelin dambe".

Sidda laga soo xigtey war qoraal ah oo kasoo baxay hay'adda, talaabadan waxay salka ku haysaa "khatarta caabuqa COVID-19 oo sii kordheysa awgeed".

Qoraalka ayaa wuxuu intaas ku daray in amarkan uu dhaqan-galaayo "laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021".

Bayaanka kooban ee hay'adda ayaa wuxuu u qornaa sidda soo socota: "Wargelin Muhiim ah. Khatarta Caabuqa COVID-19 oo sii kordheysa awgeed, Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxay muwaadiniinta meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe".

Go'aanka hay'adda socdaalka ayaa kusoo hagaagaya xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay dhowaan sheegtay in ay mamnuucdey isu-imaatinka iyo banaanbaxyadda sababo ku aadan safmarka Covid19 awgiis.

Wasaaradda Tacliinta Soomaaliya ayaa si gaar ah waxay u soo jeedisay in goobaha waxbarashadda loo xiro sababo ku aadan soo laba-kacleynta cudurka, balse waxay ka laabatay go'aankaas kadib diidmo ka timid goobaha waxbarashadda.

Dad badan ayaa aamisan in go'aanada dowladda federaalka ee ku saabsan Covid19 ay yihiin kuwa siyaasadeysan isla markaana dooneyso in ay ku carqaladeyso qabsoomida doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM