Qadar oo Gawaarida Gaashaaman ugu deeqday dowladda Somalia [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Dowladda Qadar ayaa maanta Muqdisho kasoo dejisay 68 gaari oo kuwa gaashaaman ah, oo ay sheegtay inay ugu deeqday dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Munaasabad Dekedda Muqdisho lagu qabtey ayay Mas'uuliyiin ka socotay Wasaaradda difaaca Qadar ugu qareejisay Gaadiidka dagaal Taliyaha ciidanka xoogga Indha-Qarshe iyo Wasiirka Gaadhaandhigga Somalia Xasan Maxamed Cali (Ammar dambe).

Gaadiidkan ayaa waxay ugu talo-gashay Qadar inuu ka caawiyo dowladda Somalia xagga dagaalka ay kula jirto Al Shabaab, oo mudo 10 sano ka badan halgan ugu jirta inay wiiqdo awoodda maamulka ka jira Muqdisho. 

Qadar ayaa horey ugu deeqday dowladda Federaalka basas kuwa rakaabka ah, iyadoo tallaabooyinka lagu micneeyay inay yihiin kuwa Doha ay ku doonayso inay ku xoojiyo saameynteeda dalka, kadib markii Villa Somalia iyo Imaaraadka xiriirkooda xumaaday.

Imaaraadka oo kamid ah dalalka Carabta ee xiriirka u jaray Qadar June 5, 2017 ayaa joojiyay tababarkii ciidamada dalka sanadkii tagey, kadib markii dowladda Federaalka la wareegtay lacag loogu talo-galay in lagu taageero Askarteeda.

Xukuumadda Doha ayaa xiriir dhaw la leh shaqsiyaad saameyn ku dhex leh dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo uu kamid yahay Taliye-ku-xigeenka NISA, Fahad Yaasiin, oo horey uga soo shaqeeyay Al-Jazeera Arabic.

Dowladda Somalia oo dhinaca ciidanka ka taageera dalal dhowr ah, oo Midowga Yurub iyo Mareykanka ay kamid yihiin, ayaa lagu dhaliilay inay hanan waysay amniga Muqdisho, iskaba daayee inay Al Shabaab ka saarto dalka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM