Qadar oo ku lug-yeelatay wada hadalada DF iyo mucaaradka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qadar ayaa ku lug-yeelatay wada hadalka dowladda federaalka iyo mucaaradka markii xiisadda siyaasadeed ee ka dhaxeysa ay meel sarre gaartay, sidda uu ogaadey Garowe Online.

Xukuumadda Dooxa ayaa ergay gaar ah waxay u soo dirtay wada hadaladda, kaasoo la fariistay hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran.

Sidda loo dusiyey GO, ergayga ayaa la socday diyaaradii ka degtay magaaladda Muqdisho ee sidday gargaarka ka yimid Qadar, kaasoo loogu talogalay dadka wax ku noqdey fatahaadaha ku dhuftay Beledwayne.

Ergayga ayaa Madasha Xisbiyadda Qaran wuxuu kala hadlay hoos u dhigista xiisadda siyaasadeed iyo khilaafka kala dhaxeeya Villa Soomaaliya.

Taliyaha sirdoonka iyo nabad-sugidda, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa wuxuu qayb ka ahaa wada hadaladda si uu xoojiyo dedaaladda uu wado ergayga.

Mr Daahir ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay Shariif Sheekh Axmed, hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 7aad ee dalka dhaca Geeska Afrika.

Wada hadaladda ayaa yimid markii Shariif uu ku dhaartay in ay Muqdisho ka saaraan dowladda hadii aysan joojin "dulmiga" taas oo timid markii dhibaato ay kala kulmeen tagitaanka Beledwayne iyo ka duulista Muqdisho.

Dowladda Farmaajo ayaa xiriir dhowr la leh Qadar, halka labadii hogaamiye ee xafiiska kaga horeysay ay "cilaaqaad dabacsan" la lahaayeen Dooxa mudadii ay taladda dalka hayeen.

Dowladda Carbeed ee Qadar oo in muddo ah raadineysay in ay saameyn ku yeelato siyaasadda Soomaaliya ayaa isku deyda in ay siyaasiyiinta ka taageerto in ay qabtaan xilalka ugu sareeya xilligga doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM