Qadar oo maalgalisay shirkii OIC ee ku qabsoomey Muqdisho [DAAWO]

Image

MUQDISHO - Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad ayaa daboolka ka qaaday in dowladda Qadar ay bixisay “gabi ahaanba” lacagaha suurageliyay in shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ka qabsoomo caasimada dalka ee Muqdisho.

Shirka oo uu daah-furay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa kasoo qaybgalay in ka badan 17 dal, kuwaasi oo wasiiru arrimo dibadeedyadooda soo dirsadeen wakiilo, kuwaasoo isugu jiray ku xigeeno, kaaliyeyaal, xog-haye iyo wasiiru dowlayaal.

Shir gudoonka waxaa si wadajir ah u hayey Wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Wasiiru dowlaha Qadar iyo Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Kuwait, waxayna jeediyeen madaxdani khudbado ay diiradda ku saareen xaaladda dalka.

“Qadar waxay kaloo ahayd dalkii suurtageliyay inuu shirkaan qabsoomo. Kaalmo dhaqaale oo shirka lagu qabto ayey soo direen,” ayuu yiri Wasiir Cawad oo marka uu soo idlaaday kulanka la hadlay warbahinta, isagoo fahfaahin ka bixiyey qodobada kasoo baxay shirka.

Madaxda Villa Soomaaliya ayaa si wayn ugu dhowaa xukuumada Dooxa tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka dalalka Khaliijka. Qadar ayaa gacan weyn ka gaysatey doorashada Madaxweyne Farmaajo iyadoo gacansaar dhow la leh taliyaha hay'adda NISA.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in qodobada kale ee shirka kasoo baxay ay kamid in xafiiska kooxda loosoo wareejiyo Muqdisho iyo inay kordhiyaan dalalka xubnaha ah taageerada ah siiyaan dowladdu kaalamda dibada ah ku tiirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM