"Doorashada Farmaajo Ari baan u qalay, mase noqon qofkan filayey"

Image

NAIROBI, Kenya – Cabdikariin Muuse [Qalbi dhagax] ayaa bixiyey wareysi uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ah, kuwaasoo quseeya xarigiisa iyo qaabkii Dowladda Soomaaliya ugu dhiibtay Itoobiya.

Qalbi dhagax, oo haatan ah hogaanka garsoorka ONLF, ayaa laga qabtay hotel ku yaala koonfurta Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Muddo saddex maalmood ah ayay ciidamadda sirdoonka Soomaaliya ku hayeen magaaladaas, iyagoo kadib u soo wareejiyey Muqdisho.

Xukuumadda federaalka ayaa xariga iyo u dhiibistiisa Itoobiya ku fasirtay in uu "maleegayey falal argagixiso oo ONLF ka fuliso Soomaaliya" wallow eedeyntaas ay beenisay jabhada xorreynta Ogaadeeniya.

Qabashadda iyo dhiibista Qalbidhagax, oo bar-madow ku noqday dowladda madaxweyne Farmaajo, waxaa ka dhiidhiyey shacab fara badan oo gudaha dalka iyo dibaddaba ku nool.

Isagoo u waramaya SSTV, Qalbi dhagax ayaa sheegay in uusan marnaba ku fekerin in dowladda Farmaajo ay muwaadin Soomaaliyeed u dhiibi doonto "cadowga" Itoobiya.

U-ololeyn

Wallow uusan waligii la kulmin, sababta ayuu ku sheegay in uu kamid ahaa shaqsiyaadkii u ololeeyay in Farmaajo loo doorto madaxweynaha Soomaaliya, doorashadda bishii Febraayo, 2017-kii.

"Xitaa mararka qaarkood waxaan gelaayey meelo sirdoonka Itoobiya ku jiro. Waxaa jirta in Xildhibaano ay ii digeen oo ay yiraahdeen 'shaqadan aad waddo khatar bey kuugu tahay' haddana waan gelaayey".

Isagoo sii hadlaya, Qalbi dhagax ayaa sheegay in uu aaminsanaa in Farmaajo uu yahay "hogaamiye daacad ah oo dadka iyo dalka xorreyn kara oo dib u dhisa kara" balse "ma noqon" madaxweynihii uu filaayey.

"Culimo ayaan fariisiyey Qur'aan ayaan bilaabay. Saddex jeer ayaan Qur'aanka u dhameeyay, dartii. Markii u dambeysay Ri' in aan soo iibiyey ayaan ku qatimay Qur'aanka," ayuu xusay.

Wuxuu ku daray: "Ma nihin qaraabo, kaliya waxay iga ahayd Soomaalinimo iyo waxaan raadinayey qof leh awood iyo karti dalka dib loogu xoreeyo, waxaan is iri shaqadii loo baahnaa kii qaban lahaa waa kan".

Safar is-biimeyn ah

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in Qalbi dhagax habeenkii laga qabtay Gaalkacyo maalintiisa uu kasoo duulay Muqdisho, halkaasoo si weyn loogu baarey isla markaana muddo daqiiqado ah lagu hakiyey.

"Si isbiimeyn ah ayaan ku aaday Gaalkacyo, iyaddoo shaki badan uu iigu jiray. Maalintaas waan ka baaqan lahaa, laakiin shaqo halgan ah oo ka fuqsan waayey ayaan ku jiray," ayuu tibaaxay.

Saddex maalmood kadib markii lagu hayey Gaalkacyo, Qalbi dhagax ayaa sheegay in kolkii loosoo qaadey Muqdisho uu rajo ka qabay in uu taageero ka heli doono Farmaajo balse uu ku hungoobay.

"Markii aan arkay in aan xagiisa u sii socdo waan nafisay, laakiin waxaan hubaa in xitaa hadii sawirro layga qaado oo loo gudbiyo in uusan waxba ka qaban lahayn, maadaama xogteyda loo gudbiyey," ayuu ku daray.

"Daba-qoodhi"

Godka Jilacow ayuu saddex maalmood ku qaatay, iyaddoo maalin kamida la geeyay Dambi Baarista, oo lagu waydiiyey su'aalo ay ku jiraan reerka uu yahay, tirada caruurtiisa iyo in uu ONLF kamid yahay.

"Su’aalahaas kadib, wixii rajo aan lahaa way dhamaadeen, waxaan xaqiijiyey in madaxweynuhu uusan ahayn qofkaan moodayey, dowladdu aysan ahayn taan moodayey, laba xaaladood oo ah; in Itoobiya ii dhiibaan ay ku qaadan doonto muddo bil ama 20 berri ah ama in ay dowladda oran doonto annagaa maxkamadeynayna, ayaan filaayey".

Maalintii afaraad ayaa laga soo saarey jeelka, isagoo kadib lagu wareejiyey Itoobiya. Mas'uuliyiinta uu aqoonsaday in ay saarnaayeen gaariga lagu wareejiyay ayuu ku sheegay Sanbaloolshe iyo safiirka Itoobiya.

Dowladda Farmaajo oo xusay in aysan marnaba dooneyn in uu xabsiga Itoobiya kasoo baxo ayuu tibaaxay in uu kadib dhacdadaas u ictiraafay "daba-qoodhigii Itoobiya sida maamuladii ka horeeyay".

Sikastaba, isbedelkii ka dhacay Itoobiya ayaa suurtageliyay in Qalbi dhagax uu xorriyadiisa kadib u helo, wallow mudadii uu xabsiga Itoobiya ku jiray "lagu cadaadiyey in uu Jigjiga ka dego oo uu cafis dalbado".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM