Qalbi-dhagax oo gaarey Dhuusamareeb, loona diiday Cadaado

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAAREEB - Cabdikariim Qalbi Dhagax, oo katirsan hogaanka sare ee Jabhadda ONLF, ayaa maanta oo Talaado ah gaarey magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta maamulka Galmudug, bartamaha dalka Soomaaliya.

Saraakiil katirsan Galmudug, dadweyne iyo madaxda maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa Qalbi Dhagax kusoo dhaaweeyay Garoonka diyaaradaha magaalada, waxaana la dejiyay City Hotel.

Qalbi Dhagax oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa la filayaa inuu Dhuusamareeb kula kulmo mas'uuliyiin maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada halkaasi ku nool.

Wararka ayaa sheegay in Qalbi Dhagax markii hore safarkiisa ku wajahnaa magaalada Cadaado, oo hadda u shaqeeyo garabka kasoo horjeeda Madaxweyne Xaaf, balse madaxda Galmudug ay kahor istaageen, una leexiyeen Dhuusamareeb.

Qalbi Dhagax oo dhawaan laga soo daayay xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ayaa waxaa sanadkii tagey laga qabtey gobollada dhexe, iyadoo kadib ay dowladda Soomaaliya u gacan-celisay Sirdoonka Itoobiya, isagoo laga dhoofiyay Muqdisho.

Harageysa, Boosaaso iyo Gaalkacyo ayuu horey usoo booqday, waxaana socdaalkiisa kusoo afjari doonaa degaanada Galmudug, iyadoo wareysi uu bixiyay ku sheegay inuusan booqan doonin magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM