Qaramada Midoobey oo war kasoo saartey Qaraxyo ka dhacay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii argagaxiso ee shalay ka kala dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho ee lagu dilay Cabdiweli Cali Cilmi Yare iyo tiro kale oo ah dad rayid ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii aroortii hore saaka lagu qaaday xarun uu leeyahay wadaadka Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi ee ku taalla koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Warbaahintu waxay sheegtay in wadaadku uu horey kooxda jihaad doonka uga helay hanjabaad ah inay dili doonaan.

Gaari miineysan ayaa la sheegay in lagu qarxiyay suuq mashquul ah oo ay dadku ku badan yihiin ee ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho goor hore galabtan, waxaana ciidamada amniga Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigeen qof laga shakisan yahay inuu ku lug lahaa.

“Weerarradii maanta lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka,” ayuu yiri Mudane Haysom.

“Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.”

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM