Qarax culus oo AMISOM lagula eegtay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kolonyo gaadiid military oo ay wateen ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa maanta qaraxa xooggan lagula eegtay duleedka Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay lagula eegtay ciidamada Burundi, ee qeybta ka ah AMISOM degaanka Arbacow, oo katirsan Ceelasha Biyaha.

Ciidamada ayaa xilliga weerarka ka soo baxay saldhiggooda Arbacow, waxayna kusoo jeedeen magaaladda Muqdisho.

Rasaas xooggan ayay ciidamada rideen qaraxa kadib, iyadoo goobta laga jiiday gaari nooca dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada Burundi, iydoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaarey askarta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Qaraxyada noocan ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo kordhayay wadada isku xirta magaaladda caasimadda iyo gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lala eegtaa gaadiidka ciidamada DF iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM