Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho iyo fahfaahin dheeraad ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa galabnimdii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo loo adeegsaday Garai lagu soo xiray walxaha qarxa.

Gaariga ayaa ku qarxay nawaaxiga Beerta Nabadda, dhanka Hotel Muna, oo ku yaalla meel aan ka fogeyn Aqalka Madaxtooyadda dalka [Villa Somalia], taasoo amaankeeda ay ilaaliyaan ciidamo Midowga Africa ee AMISOM.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in gaariga uu yaalla meel baabuurta lagu dhaqo [Lawaajo], iyadoo uu ku dhintay ninkii xilligaasi dhaqayay, waxaana jira dad kale oo ku dhaawacmay.

Lama oga cida leh gaariga, balse waxay wararku sheegayaan in ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ay goobta xireen, islamarkana ay wadaan baaritaan.

Falalkan noocan ah ayaa waxaa magaalada ka fulisa kooxda Al-Shabaab, oo qarxyo ugu xirta gaadiidka raxaada ah ee ay wataan saraakiisha hay'adaha amaanka, shaqaalaha dowladda iyo dadka kale ee muhiimka ah.

Fahfaahin dheeraad ah kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM