Qarax Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo wararkii dambeeyay

Image

MUQDISHO, Somalia - Qarax culus ayaa goordhaw laga maqlay meel ku dhaw Makhaayadda "The Village Resturent" oo ku taalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Banaadir iyo Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray oo ku qarxay afaafka Makhaayadda, iyadoo ay xigtay rasaas xooggan oo la maqlay qaraxa kadib.

Uuro madow aya cirka isku shareertay iyadoo jugta qaraxa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana goobta gaarey gaadiidka gurmadka oo dhaawacyada u daabulaya Isbitaaladda.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay jiraan khasaare dimashada iyo dhaawaca, balse aan tirada rasmiga ah wali la xaqiijin karin, maadaama ay xaaladu tahay mid cakiran, oo gurmad uu socdo.

Qaraxa ayaa dhacay xilli lagu jiray salaadda Maqribka, iyadoo Makhyaadda ay buuxeen dad badan, oo halkaasi u tagey inay ku shaaxaan, iyo qaar Hotel-ka degan, oo mas'uuliyiin ay ku jiraan.

The Village waxay ka kooban tiro makhaayado ah oo ku yaala meelo kala duwan magaalada, waxaana horey u weerartay Kooxda Al-Shabaab.

Fahfaahin kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM