Qarax ismiidaamin oo ka dhacay caasimada Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaaro kala duwan ayaa wuxuu ka dhashay qarax ismiidaamin oo Sabtida maanta ah ka dhacay degmada Dharkenlay ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Weerarkan lagu tuhunsan yahay maleyshiyada Al-Shabaab ayaa si gaar ah waxaa looga soo wariyey goob gaadiidka laga raaco [Boosteejo] oo ku taala xaafadda Macalin Nuur.

"Ismiidaamiyaha wuxuu isku dhex-qarxiyey dad shacab ah. Khasaaraha wali lama tirokoobin balse waxaa muuqaneysa in uu badan yahay," ayay sheegeen illo wareedyo kala duwan.

Balse, warar horudhac ah ayaa intaas ku daraya in saddex qof ay ku nafwaayeen weerarka ayna ku dhaawacmeen lix kale kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka si loo daaweeyo.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in goobta qaraxu ka dhacay ay ku dhow-dahay fariisin ay leeyihiin ciidamadda Soomaaliya taasoo waqti xaadirkan ah mid xiran.

"Goobta qaraxu ka dhacay waxay sidoo kale ku dhow-dahay isgoyska Ex-kontarool Afgooye. Maadaama saxmad badan ay jirtay, si dhab ah looma ogga hadafka," ayuu yiri goobjooge.

Boosteejada qaraxu ka dhacay ayaa waxaa laga raacaa gaadiidka aada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose - taasoo magaala madaxda Muqdisho u jirta qiyaastii 30 kilomitir [KM].

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM