Qarax iyo Dilal ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax iyo dilal kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho shalay oo Khamiis ahayd, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxaan dhacdooyinkan oo ah kuwa hadal-heyn abuuray.

Qaraxa oo ahaa mid lagu soo xiray Gaari-gacan, ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta koowaad ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, ee Suuqa Bakaaraha, sida uu xaqiijiyay Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online.

Lama soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxan oo dhalay galabnimadii shalay, maadaama uu ka dhacay meel banaan ah oo la dhigto gawaaridda [Car Parking], oo irida Shirkadda Hormuud ku taalla.

Saacado kadib qaraxa, waxaa Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa lagu dilay mid kamid ah shaqaalaha Shirkadda Hormuud Telecom, kaasoo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Raage.

Falkan dilka ah waxaa fuliyay labo nin oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo goobta isaga baxsaday kadib dilka Maxamed, iyadoo aan wali la aqoon cida ay katirsan yihiin iyo sababta ay ninkan u khaarijiyeen.

Labo maalin kahor, waxaa Xaafadda Baar-Ubax lagu dilay labo kamid ahaa isla Shirkadda Hormuud.

Dil kale ayaa ka dhacay Xaafadda Sey-biyaano ee degmada Hodon, kaasoo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Garaad Yaasiin oo ka howlgali jiray shirkad ka shaqeysa daabacaadda boorarka oo Muqdisho ku taalla.

Lama oga sidoo kale cida ka dambeysa dilkan iyo sababta.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogdey in sababta beegsiga Shaqaalaha Hormuud uu ka dambeysy markii Shirkaddan maamulkeeda uu diiday dalab uga yimid Kooxda Daacish oo ah inay bixiyaan lacago baad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM