Qarax ka dhacay magalada Kismaayo

Image

Inta la og yahay lix qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu gudaha u galay Aqalka sarkaal ka tirsan mamulka KMG ah ee Jubba oo la yiraahdo Iftaan Xasa Baasto.

Dadka dhintay ayaa iskugu jira rayid iyo askarta ilaalisa Iftaan Xasan Baasto kuwaasoo isku dayay inay ka hor tagaan ruuxa miinaysay ee gudaha guriga usoo socda.

Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka lagu damacsan yahay in lagu soo afjaro ururka Alshabab ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka bad baaday isku daygaan dil isla markasa uu fuliyay ruux walxaha qarxa isku soo rakibay.

Masuuliyiinta mamulka Jubba ayaa falkan ku eedeeay ururka Alshabab balse kooxdaasi wali kama aysan hadlin falkan lagu damacsanaa Baasto in lagu dilo.

Iftiin Xasan ayaa waxa uu ka mid ahaa raggii kasoo horjeeday mamulka madaxwayne Axmed Madoobe kuna dhawaaqay inuu madaxwayne yahay balse heshiiskii Muqdisho ka dhacay go'aan ku qaatay inuu mamulka Madoobe la shaqeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM