Qarax ka dhacay magalada Kismaayo

Image

Inta la og yahay lix qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu gudaha u galay Aqalka sarkaal ka tirsan mamulka KMG ah ee Jubba oo la yiraahdo Iftaan Xasa Baasto.

Dadka dhintay ayaa iskugu jira rayid iyo askarta ilaalisa Iftaan Xasan Baasto kuwaasoo isku dayay inay ka hor tagaan ruuxa miinaysay ee gudaha guriga usoo socda.

Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka lagu damacsan yahay in lagu soo afjaro ururka Alshabab ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka bad baaday isku daygaan dil isla markasa uu fuliyay ruux walxaha qarxa isku soo rakibay.

Masuuliyiinta mamulka Jubba ayaa falkan ku eedeeay ururka Alshabab balse kooxdaasi wali kama aysan hadlin falkan lagu damacsanaa Baasto in lagu dilo.

Iftiin Xasan ayaa waxa uu ka mid ahaa raggii kasoo horjeeday mamulka madaxwayne Axmed Madoobe kuna dhawaaqay inuu madaxwayne yahay balse heshiiskii Muqdisho ka dhacay go'aan ku qaatay inuu mamulka Madoobe la shaqeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM