Maraakiib dagaal oo Turkigu u diray Soomaaliya si ay u galbiyaan markab kalluumeysi, xilli dalka uu ka jiro qalalaase siyaasadeed

Image

Turkiga ayaa laba markab oo dagaal u diray Soomaaliya si ay u galbiyaan markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalkaas, isagoo ballaarinaya dhaqdhaqaaqyadiisa badda xilli Soomaaliya ay wajaheyso khilaafaad siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iska horimaadyo hubeysan iyo muran ku saabsan sharciyadda Dowladda Federaalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in maraakiibta dagaalka ee TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım ay ku sii jeedaan Muqdisho si ay u ilaaliyaan markabka Mustafa Korkmaz A, oo ah markab kalluumeysi oo laga leeyahay Turkiga, kaas oo la filayo inuu sahamin iyo kalluumeysi tijaabo ah ka sameeyo Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ).

Wasaaraddu ma shaacin faahfaahinta ruqsadda kalluumeysiga ee markabka, muddada uu howlgalka soconayo iyo heshiisyada ganacsi ee saldhigga u ah howlgalka.

Tallaabadan ayaa daba socota heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee Ankara iyo Muqdisho kala saxiixdeen sanadkii 2024, iyadoo ay sii ballaaranayaan danaha Turkiga ee kalluumeysiga Soomaaliya, kheyraadka shidaalka iyo gaaska ee badda iyo kaabayaasha militariga.

Hase yeeshee, siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa dhaliilay doorka sii ballaaranaya ee Turkiga, iyagoo ku doodaya in qaar ka mid ah tallaabooyinka uu qaadayo aysan ku dhisneyn wadatashi qaran oo ku filan ama daahfurnaan, isla markaana ay u muuqdaan kuwo hal dhinac ah.

Dadka dhaliila Ankara ayaa ku eedeeya inay mudnaanta siineyso danaheeda istaraatiijiyadeed, militari iyo dhaqaale, iyadoo iska indha tiraysa khilaafaadka dastuuriga ah iyo kuwa siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira. Dowladda Turkiga ayaa dhankeeda ku adkeysanaysa in iskaashigeedu uu taageerayo madaxbannaanida, amniga iyo horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wajahayo mucaaradad sii kordheysa oo la xiriirta wax-ka-beddelka dastuurka iyo kordhinta muddo-xileedka madaxtooyada. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo-xileedkiisii afarta sano ahaa uu dhammaaday, waxayna dalbadeen in doorasho la qabto, halka Dowladda Federaalka ay difaacayso nidaamka dastuuriga ah ee wax laga beddelay.

Xiisadaha siyaasadeed ayaa sidoo kale ka sii xoogeysanaya Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo laga soo sheegay iska horimaadyo hubeysan oo dhexmaray ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo mucaaradka la safan.

Hirshabeelle, muranka ka dhashay doorasho lagu kala aragti duwan yahay ayaa sababay qalalaase, iyadoo maleeshiyaadka beelaha ee Macawiisleyda ay la wareegeen fariisimo ku yaalla magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan.

Xasillooni-darradan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo weli ay jirto khatarta Al-Shabaab, oo xiriirro la leh qaybo ka mid ah shabakadaha beelaha deegaanka, taas oo sii adkeyneysa howlgallada amniga iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta siyaasadeed.

Khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya ayaa sii xoogaystay kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, taas oo dhalisay muran sharci oo ku saabsan awoodda madaxweynaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ka horyimid xil-ka-qaadista, iyadoo arrintani ay qayb ka tahay khilaaf ballaaran oo ku saabsan muddo-xileedka dastuuriga ah ee madaxweynaha iyo dalabaadka ku aaddan qabashada doorashooyin.

Howlgalka cusub ee Turkiga ee badda ayaa la filayaa inuu kordhiyo su’aalaha laga keenayo maamulka kheyraadka kalluumeysiga iyo kheyraadka kale ee badda Soomaaliya, gaar ahaan xilli dalku wajahayo kala qaybsanaan siyaasadeed iyo muran ku saabsan awoodda Dowladda Federaalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaan si cad u shaacin faa’iidooyinka dhaqaale ee gaarka ah ee Soomaaliya ka heli doonto howlgalka kalluumeysiga ee la qorsheeyay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamadda Sare: Mudo-xileedka Xasan Sheekh wuu dhamaadey waa in doorasho la qabtaa 3 bilood gudahooda

Waxay tilmaantay in haddii aan arrintaas si cad loo qeexin, muddada cusub aan si toos ah loogu dabaqi karin hay'adaha xilka haya.

  • Soomaliya

    05-11-2026

  • 12:34PM

Aweys Xaaji oo ka hadlay ka-bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya

Sidoo kale, dhinacyadu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay hesho taageero caalami ah oo joogto ah.

  • Soomaliya

    04-11-2026

  • 02:04PM