Askari ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku dhintay shil ka dhacay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb
DHUUSAMAREEB – Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhintay kaddib markii uu ku dhacay matoorka diyaaradda oo marayay, xilli uu ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Askari lagu magacaabi jiray Mukhtaar Qaasim Samay ayaa la sheegay in madaxa uu kaga dhacay baalka dambe ee diyaaradda (propeller), kaas oo weli wareegayay markii uu ka degayay diyaaradda. Shilka ayaa dhacay habeenkii Talaadada, waxaana askariga uu goobta ku geeriyooday.
Mukhtaar ayaa ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, kaas oo ay weheliyeen xubno ka tirsan ciidankiisa oo gaaray Dhuusamareeb, iyagoo ka qaybgalaya munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan.
Dowladda ayaa sheegtay in askarigu uu ku socday meel ka fog diyaaradda markii uu ku dhacay matoorkeeda oo aan weli istaagin. Muuqaal laga baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay diyaaradda oo taagan garoonka, iyadoo baalalkeedu weli wareegayaan, dadkuna ay ka degayaan.
Muuqaalka oo soconayay ku dhowaad 19 ilbiriqsi ayaa muujinayay diyaarad cad oo laba matoor leh, taas oo ku qornayd magaca STAR AIRLINES, iyadoo jaranjaro la dhigay albaabkeeda.
Waxaa sidoo kale hareeraheeda ka muuqday rag isugu jira saraakiil ciidan, shaqaale amni iyo dad kale oo ku labisan dhar rasmi ah iyo dharka hidaha iyo dhaqanka. Dhammaadka muuqaalka waxaa dhacay dhaqdhaqaaq degdeg ah iyo jahawareer, hase yeeshee si cad looma arkin xilliga uu shilku dhacay.
Marxuumka ayaa ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubka gaarka ah ee Haramcad. Geeridiisa kaddib, Macallin Mahdi Cumar Muumin ayaa tacsi u diray qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan ciidamada booliska.
“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, asxaabta iyo dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid,” ayuu ku qoray bartiisa Facebook.
Wuxuu marxuumka ku tilmaamay mid ka mid ahaa geesiyaasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubka Haramcad, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo ciidankiisa ayaa Dhuusamareeb u tegay munaasabadda caleema-saarka Liibaan Axmed Xasan, oo loo qorsheeyay Khamiista, iyadoo la filayo inay ka qaybgalaan mas’uuliyiin siyaasadeed iyo saraakiil amni oo ka kala imaanaya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.
Dhuusamareeb ayaa ah xarunta maamulka Galmudug, oo ka mid ah dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
GAROWE ONLINE