Ciidamada Kumaandooska India oo xoog ku soo furtay markab laga afduubtay xeebaha Soomaaliya
NEW DELHI — Ciidamada kumaandooska badda Hindiya ayaa baarashuud kaga degay markab kalluumeysi oo laga leeyahay Iran, kaas oo burcad-badeed hubeysan ay ka afduubteen xeebaha Soomaaliya, iyagoo soo badbaadiyey dhammaan 20-kii shaqaale ee saarnaa, sida ay sheegtay ciidamada badda Hindiya.
Howlgalkan ayaa yimid xilli ay dib u soo xoogeysanayaan falalka burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya, iyadoo tan iyo bishii April la diiwaangeliyey ugu yaraan 15 weerar, tiradii ugu badneyd tan iyo sanadkii 2013.
Markabka oo lagu magacaabo Azini ayaa la afduubtay 29-kii October, xilli uu marayey xeebaha Soomaaliya, inta u dhexeysa magaalooyinka xeebeed ee Bandar Beyla iyo Xaafun, oo ka tirsan Puntland.
Sida lagu sheegay digniin uu soo saaray Xarunta Amniga Badda ee Midowga Yurub ee Badweynta Hindiya (MSCIO), waxaa jiray walaac laga qabay in burcad-badeeddu markabka u adeegsadaan saldhig sabbeeya (mother ship), si ay uga fuliyaan weerarro kale oo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga.
Ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in markab dagaal iyo diyaarad sahamin badeed ay markii hore la socdeen dhaqdhaqaaqa markabka, kahor inta aan kumaandooska badda lagu daadin baarashuud si ay u fuliyaan howlgalka badbaadinta.
"Ciidamada Badda Hindiya ayaa la wareegay markabka, ka adkaaday khatartii burcad-badeedda, waxayna xaqiijiyeen in si nabad ah loo sii daayo dhammaan 20-ka shaqaale," ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada badda Hindiya.
Markabka Azini ayaa noqday kii saddexaad ee kalluumeysi oo laga leeyahay Iran ee tan iyo bishii July laga afduubto xeebaha Soomaaliya.
Soo laabashada weerarrada burcad-badeedda ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga maraakiibta ganacsiga ee isaga kala goosha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo ah marinno muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.
GAROWE ONLINE