Taliye ciidan oo qarax miino lagula eegtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax loo maleynayo miino ayaa aroornimadda Axadda maanta ah waxaa laga soo wariyey meel ku dhow safaaradihii hore ee Turkiga ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Aaga weerarku ka dhacay sidoo kale waa nawaaxiga Madaxtooyaddii Cabdiqaasim Salaad. Sidoo kale, waxaa aagaas ku dhow iskuulka Hoyga Xamar oo qeyb kamid ah is-qabqabsi dhuleed uu ka taagan yahay.

Illaa haatan, ma cadda bartilmaameedka iyo khasaaraha. Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaan sidoo kale wali ka hadlin dhacdadan.

Balse, warar ayaa sheegaya in lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo wadada marayey isla markaana ay ku dhinteen laba askari, mid kalana uu dhaawac kasoo gaarey.

Fahfaahinada ayaa xusaya in gaariga uu la socday taliye ku xigeenk ciidanka Soomaaliya, Jeneraal Cabbaas Amiin Cali.

Maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa aalaaba dusha saaratay mas'uuliyadda weeraradan noocaan oo ay la beegsato ciidamadda iyo mas'uuliyiinta dowlada.

Falkaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabsan suurtagalnimadda weeraro loo adeegsado qaraxyo oo magaala madaxda madaxda ay ka fulin karto Al-Shabaab.

Digniintaas oo ka imaaneysa safaaradaha reer galbeedka ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegeysay in Al-Shabaab ay qaraxyo gaari iyo is-miidaamin ku beegsan karto xarumo dowladeed iyo mehrado kale.

Cabsida weeraro ay Al-Shabaab ka fuliso magaalada caasimadda ah waxaa sii xoojinaya hardanka siyaasadeed ee ka jira qabsoomida doorashooyinka 2020-21 oo aysan ka heshiin daneeyeyaasha ay khuseyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM