Qarax ka dhacay meel ku dhow xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ay warar kala duwan kasoo baxayaan bartilmaameedka iyo nooca ayaa laga maqlay qaybo kamid ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga maqaayada Luul Yemeni oo kaabiga ku haysa Xabsiga Dhexe ee magaaladda Muqdisho.

Telefishinka ku hadla afka dowladda ayaa ku waramay in weerarka loo qaadey gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa laguna beegsaday maaqayadda Luul Yemeni.

"Qarax gaari loo adeegsaday ayay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab caawa ku qarxisay maqaayadda Luul Yemeni ee ku taala degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir," ayuu TV-ga ku daabacay bartiisa Facebook.

Isaga oo soo xiganaya afhayeenka bileyska ayuu ku daray: "Afayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali oo aan la hadalnay waxaa uu SNTV u sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh isla markaana ay dumeen guryo maqaayadda ka ag dhawaa hadana uu socdo gurmad loo fidinayo dadkii shacabka ahaa ee cadawgu dhibaateeye".

"Faah faahinta falkaa cadawgu geystay oo baaritaan aan ku hayno dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa," ayuu afhayeenka raaciyey, sidda uu baahiyey TV-ga.

Inta la xaqiijiyey 20 qof oo badankooda ah rayid  ayaa ku nafwaayey weerarka oo lagu sheegay is-miidaamin, halka tirro ka badan 30 loola cararay goobaha caafimaadka.

Weerarkan ayaa kusoo hagaagay xilli qaar kamid ah waddooyinka caasimadda ay maanta dowladda xirtey kahor banaanbaxa Sabtida u qorsheysanaa Midowga Musharaxiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM