Qarax ka dhacay isgoyska Sayidka ee Muqdisho; khasaaro jira

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan qarax laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho oo Arbacada maanta ah ka dhacay caasimadda Soomaaliya.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, qaraxa ayaa ka dhacay isgoyska Sayidka. Goobtaas oo mashquul badan waxay kamid tahay meelaha laga ilaaliyo amniga Villa Soomaaliya. Ma cadda khasaaraha.

Fahfaahinada qaar ayaa nooca qaraxa ku sheegaya is-miidaamin, halka kuwa kelana ay ku tilmaamayaan gaari laga soo buuxiyey walxo qarxa oo meesha la dhigay isla markaana qarxay.

Ciidamadda ammaanka Dowladda Federaalka ah oo gaarey goobta ay wax ka dhaceen ayaa bilaabay baaritaano, wallow aanan la ogeyn hadii cid lagu soo qabtay dhaqdhaqaaqyadaas.

Muqdisho ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ahayd mid ka caagan qaraxyadda iyo dilalka. Isgoysyadda waaweyn ee magaaladana waxaa jooga ciidamo kuwaasoo adkeynaya nabad-gelyadda.

Al-Shabaab ayaa inta badan dusha saarata falalka liddiga ku ah xasiloonida ee ka dhaca koonfurta Soomaaliya, wallow xiliyada qaar ay sheegato Daacish oo aad ugu xoogan degaanada Puntland.

Isgoyska Sayidka waxaa horey uga dhacay qaraxyo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac si lamid ah waxyeelo maaliyadeed gaar ahaan baabuur gubtay iyo dhismeyaal ganacsi oo burburay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM