Qarax ka dhacay isgoyska Sayidka ee Muqdisho; khasaaro jira

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan qarax laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho oo Arbacada maanta ah ka dhacay caasimadda Soomaaliya.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, qaraxa ayaa ka dhacay isgoyska Sayidka. Goobtaas oo mashquul badan waxay kamid tahay meelaha laga ilaaliyo amniga Villa Soomaaliya. Ma cadda khasaaraha.

Fahfaahinada qaar ayaa nooca qaraxa ku sheegaya is-miidaamin, halka kuwa kelana ay ku tilmaamayaan gaari laga soo buuxiyey walxo qarxa oo meesha la dhigay isla markaana qarxay.

Ciidamadda ammaanka Dowladda Federaalka ah oo gaarey goobta ay wax ka dhaceen ayaa bilaabay baaritaano, wallow aanan la ogeyn hadii cid lagu soo qabtay dhaqdhaqaaqyadaas.

Muqdisho ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ahayd mid ka caagan qaraxyadda iyo dilalka. Isgoysyadda waaweyn ee magaaladana waxaa jooga ciidamo kuwaasoo adkeynaya nabad-gelyadda.

Al-Shabaab ayaa inta badan dusha saarata falalka liddiga ku ah xasiloonida ee ka dhaca koonfurta Soomaaliya, wallow xiliyada qaar ay sheegato Daacish oo aad ugu xoogan degaanada Puntland.

Isgoyska Sayidka waxaa horey uga dhacay qaraxyo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac si lamid ah waxyeelo maaliyadeed gaar ahaan baabuur gubtay iyo dhismeyaal ganacsi oo burburay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM