Qarax ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaliya, sida ay Saraakiisha ammniga dowladda Federaalka.

Qaraxa oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxadda ayaa ka dhacay nawaaxiga Hotel Makka Al-Mukarama, oo ku dhaw Isgoyska Dabka, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen labo qof.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Caasimadda, iyadoo goobta ay gaareen gaadiidka gurmadka iyo ciidamo Booliska ah oo sameynaya baaritaan, kuwaasoo hakad geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadadan mashquulka badan.

Warar ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu leeyahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo kamid ah Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jeesow lama socon gaariga xilliga qaraxa, sida ay boolisku sheegeen.

Fahfaahin dheeraad ah, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM