Qarax ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus oo geystay khasaarooyin kala duwan ayaa maanta oo sabti ah ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho, xilli wadooyinka caasimadda ay dowladdu dhigtay ciidamo boolis ah.

Hal qof ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca Toyota Hilux, oo la sheegay inay leedahay Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil.

Qaraxan oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay irida xarunta Dahabshiil ee Suuqa Bakaaraha, waxaana la sheegay in gaariga la qarxiyay uu yahay mid ay wateen ilaaladda amaanka Shirkadda.

Mas'uuliyiinta Dahabshiil kama aysan hadlin ilaa hadda qaraxa ka dhacay xaruntooda ugu weyn ee Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada booliska dowladda Federaalka ayaa goobta gaarey, kadibna xiray wadada mudo daqiiqado ah, iyadoo ay sameeyeen baaritaan aan wali la ogeyn cida loo soo qabtey qaraxa oo u muuqday mid lala eegnayay askarta ilaalada u ah Shirkadda.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsiga gudaha ka howlgala dalka ayaa mudooyinkii dambe la kulmayay amaro uga imaanaya Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, oo waydiisanaya lacago baad ah, oo canshuur ku tilmaamaan.

Horaantii Sanadkan, dhowr kamida shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa lagu dilay Muqdisho, waxaana la sheegay in dilalkan ay ka dambaysay Kooxda Daacish, kadib markii loo diiday malaayiin dollar oo ay Shirkadda waydiisteen, inkastoo hadda weerarada ka joojiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM