Qarax ka dhex dhacay xarun isgaarsiin oo ku taala Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax ka dhashay Miino ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhex-dhacay gudaha shirkad isgaarsiin oo ku taala xaafada Black Sea, degmada Hodan ee Muqdisho, maanta oo Talaado ah.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey geerida laba ruux oo mid kamid ah uu yahay shaqaalaha xaruntaasi iyo dhaawaca dad ka badan saddex oo goobtaasi ka agdhowaa.

Meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa degan shirkadda Somtel oo kamid ah kuwa maxaliga ah ee bixiya adeegyada talafoonada ee geyiga Soomaaliya.

Sawirro laga soo qaadey goobta, oo uu Warsidaha Garowe Online ayaa waxay muujinayan in burbur uu soo gaarey qayb kamid ah dhismaha xaruntaasi.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda dhacdadan. Mas'uuliyiinta xaruntaasi oo uu GO isku dayey in uu wax laga waydiiyey qaraxan kama jawaabin codsiga.

Balse mudooyinkii dambe shirkadaha isgaarsiinta iyo ganacsatada ayaa cadaadis dhaqaalo doon ah kala kulmayey kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowlada ee Daacish iyo Al-Shabaab.

Kooxahan yaa qeybo kamid ah caasimada ku khaarijiyey howlwadeeno ka tirsan qaar kamid ah shirkadaha dalabkooda diiday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM