Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inta la xaqiijiyey afar askari ayaa ku geeriyootay, tirro kalana way ku dhaawacantay qarax miino oo Sabtida maanta ah ka dhacay degmadda Shibis ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidda ay sheegayaan warar horudhac ah, qaraxa ayaa lala beegsaday gaari uu la socday Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax kaasoo kamid ah dadka loola cararay goobaha caafimaad ee xaaladooda lala tacaalayo.

Sidoo kale, Xildhibaan hore Xuseen Caraale Cadaan ayaa lagu waramay in uu kamid yahay dadka ku dhaawacmay weerarkaan isla markaana xaaladooda caafimaad hadda lala tacaalayo.

"Xuseen Caraale waxaan arkay isaga bir ay ku jirto. Sidoo kale, waxaan arkay saddex askari oo midkood sakaraat yahay," ayuu yiri Goobjooge telefoonka kula hadlay Garowe Online.

Askarta ku dhimatay falkaas aysan wali jirin koox si rasmi ah dusha u saaratay mas'uuliyadiisa ayaa waxay ahaayeen ilaaladda nabadoonka oo dhaawaca soo gaarey ay warar kala duwan kasoo baxayaan heerka uu la eg-yahay.

Saraakiil ka tirsan taliska booliska Soomaaliya oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in ay askar u direen goobta wax ka dhaceen ayna baarayaan cidda ku lugta lahayd dhacdadaas.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo bartiisa garrka ah ee Facebook kusoo daabacay qoraal ayaa tuhunsan in weeraradii u dambeeyay ee caasimada ka dhacayay aysan Al-Shabaab ka dambeyn.

"Duqowda Mudulood ee maanta miinada loo dhigay caafimaad degdeg ah Allaha siiyo. Maalmo ka hor ayay ahayd markaan idiin sheegay MIINOOYINKA SOO BOODA in Muqdisho la soo dhoobay. Waxaan mar kale ku celinayaa shaar Shabaab inta la idiin soo gashado yaan la idin dabargoynin ee qaraabooy hala isjiro!," ayuu ku daray.

20-kii bishaan Janaayo, ciidamo ka tirsan dowladda ayaa isgoyska Jid Mareexaan ee degmada Howlwadaag waxay ku dileen gudoomiyihii degmadda Hodan, Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise [Dhaga-juun].

Dhagajuun ayaa gelinkii hore ee Arbacada todobaadkii hore wuxuu kasoo laabtey safar caafimaad oo Turkiga uu u aadey ka gedaal markii uu ku dhaawacmay qarax miino oo Al-Shabaab la eegatay dhamaadkii November, 2020.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo guddi baaris u saarey toogashadaas ayaa shaaca ka dhigay in ay xiran yihiin taliyeyaal iyo saraakiil "ku lug-lahaa falkaas ayna cadaaladda wajihi doonan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jama ayaa goobjoog ahaa munaasabadan.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 12:07PM

Soomaaliya iyo IMF oo ka shiray maalgelinta la helo karo kadib deyn cafinta

Kukankan gaarka ah ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 06:19AM