Qarax lagu dilay mas'uul oo ka dhacay Soomaaliya

Image

MAXAAS, HirShabelle – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax culus oo maanta oo Jimco ah ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxa oo la sheegay in uu ka dhashay Miino nooca meelaha fog-fog laga hago ayaa ka dhacay bartamaha degmada Maxaasi ee gobolkaasi.

Taliska Booliska ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii degmadaasi, Cabdirashiid Cusmaan Carab.

Dadka degaanka iyo goobjoogayaal ayaa intaasi ku daray in laba qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen dhacdadaasi.

Xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Ururwaynaha Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyadda qaraxaasi, oo jugtiisa ay cusleed.

Maamulka degmada oo cambareeyay weerarka ayaa tacsi u diray ehelada uu ka baxay Marxuum Cabdirashiid.

Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa ka dhaca ficilo noocaan ah, kuwaasi oo kooxaha argagixisada ah ku khal-khalgelinayaan nabad-gelyadda.

Degmada Maxaas oo dhacda bariga Hiiraan ayaa qiyaastii waxay 130 KM u jirta xarunta gobolkaasi ee Beledwayne oo hoostagta maamulka HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM