Qarax lagu dilay mas'uul sarre oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo Arbacadda maanta ah ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Sidda ay sheegeen laamaha ammaanka, weerarka ayaa lala eegtay gaari uu la socday Maxamed Abuukar Aweys [Yarow], gudoomiyihii degaanka Awdheegle.

Yarow ayaa la xaqiijiyey in uu ku naf-waayey qaraxa. Illaa iyo haatan, ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkaasi.

Qaraxa lala beegsaday Yarow ayaa dhacay xilli uu marayay inta u dhaxeysa Awdheegle iyo tuuladda Sabiib oo isla degaankaas ka tirsan.

Allaha u naxriistee, Maxamed Yarow ayaa muddo ka badan lix [6] sano wuxuu ahaa gudoomiyaha degaanka Awdheegle.

Bishii August ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii ciidamadda dowladda ay Al-Shabaab kala wareegeen Awdheegle, oo qiyaastii 70 KM u jirta Muqdisho.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska AMISOM, Awdheegle ayaa ahayd saldhig ay Al-Shabaab ku diyaariso qaraxyadda kuna uruuriso lacagaha Zakawaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM