Qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya

Image

JOWHAR, HirShabelle - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay jidka u dhexeeya Balcad iyo Jawhar maanta.

Idaacada VOA-da ayaa waxay illo wareedyo kasoo xigatay in weerarka lala beegsaday gaari ay leeyihiin ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Baabuurka ayuu qaraxu haleelay xili uu marayey degaanka Sayga oo Waqooyi ka xiga magaalada Balcad, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan.

"Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen askar dhowr ah," ayuu yiri sarkaal magaciisa ka gaabsaday oo u waramay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho.

Gurmad lagu daadguraynayo askarta ku dhaawacantay qaraxaasi ayaa lagu waramayaa in uu ka socdo meesha uu qaraxu ka dhacay oo ciidamadu gaareen.

Saraakiisha ammaanka gobolka iyo maamulka HirShabelle ayaanan wali fahfaahin buuxda ka bixin khasaaraha guud ee ka dhashay falkaas.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa looga bartay dhacdooyinka noocaan ah ee laga soo wariyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM