Qarax lagu weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Buulburde

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Qarax nooca miinada hormuudka lagu hago ayaa abaare afartii subaxnimo ee maanta wuxuu ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaaladda Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Laba qof oo kamid ah dadka degaanka ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in jugta qaraxa ay aad u xooganeyd. Ma jirin wax rasaas ama xabado ah oo la maqlay kadib qaraxa.

Cali Maxamed Cali [Indha-buur], taliyaha booliska degmadda oo tibaaxay in qaraxu ka dhacay nawaaxiga fariisinka ilaalada garoonka, ayaa tibaaxay in uusan jirin khasaaro nafeed oo qaraxu sababay.

Illo wareedyo amni ayaa xaqiijiyey in qaraxa kadib ay saacado hawada ka maqneyd isgaarsiinta magaaladda isla markaana ciidamaddu sameeyeen howlgalo aanan la ogeyn hadii ay dad kusoo qab-qabteen.

Bishii June 22-keeda sanadkan 2020 ayay ahayd markii qaraxyo isku xig-xigay oo gaarayay illaa laba ay burburiyeen dhismaha madaarka, kaasoo bishii Janaayo 13-keeda isla xagaagan lagu bilaabay howlo dayactir.

Mas'uuliyiin ammaanka ayaa dhacdadaas ku eedeeyay maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Garoonka diyaaradaha Buulaburde oo ammaankiisa ay qeyb ka sugaan ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayna wehliyaan xoogaga Macawiisleyda ayaa wuxuu ku yaala duleedka fog ee magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM