Qarax Muqdisho lagula eegtay Ciidamo Talyaani ah [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xoog leh oo saaka oo Isniin ah ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay kolonyo ay wateen ciidamo u dhashay dalka Talyaaniga.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari nooca NOAH ah oo lagu soo xiray walxaha qarxa, kaasii la dhigay jidka Warshadaha, kadibna lagu qarxiyay gaadiid gaashaaman oo ay la socdeen Ciidamada Talyaaniga.

Xaashi Nuur, oo ah Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online inuu arkayay mid kamid ah gaadiidka Ciidamada Talyaaniga oo goobta laga jiidayay, kaasii burbur kasoo gaarey qeybta dambe.

Ciidamada oo watey calamada Talyaaniga iyo mid Midowga Yurub, ayaa lagu weeraray qaraxa xilli ay kasoo baxeen Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigg ee Magaalada Muudisho.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ciidamada Talyaaniga kasoo gaarey weerarka, kaasoo ay mas'uuliyadiisu sheegatay Kooxda Al Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Laakiin, waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 4 qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen qaraxa kuwaasi oo marayaya wadada xilliga weerarka, waxaana la dhigay Isbitaal.

Midowga Yurub ayaa taageero dhaqaale iyo mid military siiya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamada AMISOM ee ka caawinaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM