Qarax ka dhacay Jubada Hoose oo lagu dilay dad aroos u socday

Image

KISMAAYO, Jubaland – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo maanta ka dhacay gobolka Jubada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa ayaa si gaar ah looga soo wariyey degaanka Haawina oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in miinada ay la kacday gaari nooca raaxada ah oo ay shacab la socdeen.

"Aniga waxaan arkay dhimasho iyo dhaawac, laakiin ma xaqiijin karo khasaaraha guud," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Idaacadda VOA-da ayaa ku warantay in afar qof ay ku nafwaayeen qaraxa. Dadka geeriyooday waxaa la sheegay in ay u socdeen aroos.

Laamaha ammaanka Jubaland ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadaan. Gaariga la qarxiyey ayaa kasoo baxay Dhoobley.

Ma cadda hadii bartilmaameedka uu ahaa baabuurka oo dadka la socday lagu sheegay dad shacab ah.

Degaanka Haawina oo aysan jirin cid si gaar ah gacanta ugu haysa ayaa weeraro noocaan ah lagula eegtay ciidamada Jubaland iyo AMISOM.

Sanadihii lasoo dhaafay, gacan ku haynta tuuladaan waxaa isku bedelay Ciidanka Daraawiishta Jubaland iyo maleeyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida.

Sanadkii 2009-kii ayay ahayd markii fal noocaan ah uu ka dhacay Haawina, wallow aanan si rasmi ah loo tirakoobin waxyeeladda guud ee ka dhashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM