Qarax ka dhacay agagaarka iskuul ay maamusho dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa fiidnimadii caawa abaare 08:20 waqtiga Geeska Afrika waxaa laga maqlay qaybo kamid ah magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga iskuulka 21-ka October ee ku yaala degmada Waaberi ee magaala madaxda dalka.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar, afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo xusay in qaraxa uu ka dhashay Miino dhulka lagu aasay, ayaa tibaaxay in uusan geysan wax khasaaro ah.

"Miino dhulka lagu aasay ayaa ku qarxday Dugsiga 21 October, Dagmada Waaberi. marka cidna wax kuma noqon, sidaa darteed ayuusan war u aheyn. Qarax ayaa dhacay uun baa laga rabay," ayuu yiri.

Lama ogga bartilmaameedka qaraxa. Balse iskuulka 21-ka October waxaa maamusha dowladda Soomaaliya. Ciidamadda oo gaarey meesha xirayna wadada ayaa dib u furay isu socodka.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, balse dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartay dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Weerarkaan ayaa kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in 18-ka bishan July uu bilowdo Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda, waxaana iskuulkan uu kamid yahay meelaha lagu gelayo.

Wadada uu qaraxu ka dhacay waxay ku dhow-dahay xerada ciidamadda cirka Soomaaliya iyo iridka loo aado dhanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan [Aadan Cadde].

Muqdisho ayaa todobaadyadii u dambeysay martigelineysay qaraxyo noocaan ah oo lagu beegsanayey saraakiisha iyo ciidamadda dowladda, balse khasaaruhu soo gaarayey dad shacab ahaa.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM