Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo weerar ka socda xarun wasaaradeed

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qarax oo waaweyn ayaa saaka ka dhacay nawaaxiga Xarunta Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, oo ku taalla magaaladda Muqdisho.

Qaraxa kowaad oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Caasimadda ayaa ahaa Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa kaasoo la sheegay in lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Jubba.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay galeen Wasaaradda kadib qaraxa, iyadoo la maqlayo rasaas xooggan oo la sheegay inay tahay mid ay is-waydaarsanayaan ciidamada iyo kuwa meesha weeraray.

Qarax labaad ayaa dhacay daqiiqado weerarka kowaad kaasi oo saraakiishu ay sheegeen inuu ahaa gaari ay ka degteen ragga hubeysan ee gudaha u galay Wasaaradda.

Dhismaha weerarka lagu qaadey ayaa waxaa degan dhowr wasaaradood oo ay kamid tahay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta iyo Taliska booliska gobolka Banaadir.

Khasaaro xooggan ayaa la sheegay inay jirto inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah, iyadoo goobta ay gaareen gaadiidka gurmada degdega ah.

Weerarka ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamadda dowladda ay kasoo baxayaan aagagii difaaca ee gobollada Shabeellooyinka, kadib markii mudo billooyin ah aan la siinin mushaarkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM