Qodobada ay "ku heshiiyeen" DF iyo Ahlu Sunna ee xurgufta dhalisay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ayaa soo bandhigtay tobban qodob oo ay shaacisay in ay isku afgarteen xukuumadda iyo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Baahinta wasaaradda ayaa waxay ka dambeysay markii ururkaasi uu Laanta Fulinta ee waddanka ku eedeeyay in ay "jebisay, ku balan-furtay ayna baalmartay" qodobo kamid ah heshiikaasi.

Axdiga oo ay saxiixeen Wasiirka Arrimaha Gudaha federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye iyo Madaxa Xukuumadda ee Galmudug, Sheekh Shaakir, ayaa ka kooban Amniga, ciidanka iyo doorashooyinka.

Qodobada amniga iyo ciidanka

Si loo helo amni iyo jawi xasiloon oo suurtogeliya qabsoomida doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxaa lagama maarmaan ah in hay’addaha amniga Galmudug ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay kawada howlgalaan caasimadda Dhuusomareeb

In ciidanka dowlad goboleedka Galmudug loo sameeyo hanaanka diiwaan-gelinta iyo xaqsiinta sida mushaharka iyo agabka.

In ciidanka Danab iyo Sirdonka Qaranka ee NISA lagu dhafo ciidanka la diiwaan-geliyay ee Galmudug si ay uga wada howlgalaan degaanka Galmudug

In qeybta 21aad ee Ciidanka Xooga Soomaaliyeed, Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Ciidanka Nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka ay si rasmi ah ugu soo wareegaan xarumaha magaaladda Dhuusamareeb

In agoonta ciidanka dowladda federaalka ay helaan daryeel dowladeed oo waafi ah

In Dhuusomareeb la dhigo gogol nabadeed oo ay kasoo qeybgalaan qeybaha dhamaan beelaha degaanka Galmudug sida odayaasha, dumarka iyo dhalinyaradda.

Arrimaha Doorashooyinka

Doorashooyinka dowlad goboleedka Galmudug waxay ka dhacayaa magaala madaxda Dhuusamareeb.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Madaxa Xukuumadda ayaa wada soo magacaabaya Guddi farsamo oo soo xulaya Golaha Wakiilada, guddigaas oo leh khibrad maamul dhisida iyo doorashooyinka

In dowladda federaalka Soomaaliya ay dib u fasaxdo taageerada miisaaniyad kabidda ee Galmudug, iyadda oo la xaqiijinayo hanaanka hufnaanta maaliyadeed ee dowlad goboleedka

In dowladda federaalka ay ka qeyb-qaadato dhismaha hay’addaha dowladeed ee Galmudug oo bixin kara adeeg bulsho oo hufan


Dhinaca kale, wasiir Sabriye ayaa daboolka ka qaadey in qodobadan qaarkood ay dhaqan-galeen, qaar kelana ay haatan ku howlan yihiin, kuwa kalena ay baaqi yihiin, wallow uu xusay in la fulinayo.

Marka laga yimaado sheegashada xukuumadda federaalka, ma jiro wax war ah oo ku aadan qodobada ay soo bandhigtay dowladda oo kasoo hogaanka Ahlu Sunna oo gebi ahaanba isaga baxay magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM