Qodobada fashiliyey shir doorashada ee madaxda Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shir madaxeedkii madaxda Soomaalida ee xalka loogu goobayey is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya ayaa wuxuu mar kale kusoo dhamaadey natiijo la’aan.

Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qodobada madaxda isaga soo dhawaadeen iyo kuwa ay isku fahmi waayeen ee ugu dambeyntii dhabaha u xaarey in uu burburo kulankan.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda, hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa kulamadii horey isaga soo dhawaadey;

1-Beesha caalamku damiin (grantore) ka noqoto dhaqan-gelinta heshiiska

2-In Guddiyada doorashada ee lagu muransan yahay la beddelo.

3-In furitaanka Shirka laga qeyb geliyo daneeyeyaasha sida Madaxweynayaashi hore iyo afhayeenada labada aqal.

Hasa ahaatee, waxaa lagu waramay in ay isku aragti ka noqon waayeen qodobadda kala ah;

1-In gobolka Gedo loo sameeyo maamul gaar ah (dalabkan waxaa la sheegay in uu ka yimid Farmaajo]

2-In laga arrin-sado amniga doorashadda (Jubaland iyo Puntland waxay soo jeediyeen in xukuumadda xil-gaarsiinta la wareegto) balse (Farmaajo wuxuu ku adkeystay in uu haysto awoodda amni iyo maamul ee doorashada)

Sidda ay xogaha muujinayaan, qodobka ku saabsan in maamul gooniya loo sameeyo gobolka Gedo qeyb ka ahayn arrimihii madaxda ka shirtay labadii kulan ee horey uga dhacay Afasiyooni.

Tani ayaa soo shaac-baxeysa iyaddoo shalay ay dowladda federaalka Muqdisho kula shirtay odayaal la sheegay in ay kasoo jeedaan gobolka Gedo "kuwaasoo ay kala hadashay qadiyada Jubaland".

Villa Soomaaliya ayaa awood ciidan kula wareegtay gobolka Gedo. Sidoo kale, waxay dhowaan la heshiisay Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubaland, kaasoo ciidamo badan ku wareejiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM